4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2015
Wafdi ay Hoggaaminayso Wasiiradda Haweenka oo Maanta Gaaray Degmada Cadaado (SAWIRO)


Sabti, Juun 06, 2015 (HOL) — Wafdi ay Hoggaaminayso Wasiiradda Haweenka Somalia, Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa maanta Gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Gal-guduud, halkaaso ay ku soo dhaweeyeen xubno kala duwan oo ku sugan Cadaado.

Xubnaha wafdigan ayaa Waxaa ka mid ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baaramanka Somalia; waxaana soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka Tirsan Ximan iyo Xeeb, Guddiga Farsamada iyo Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka.

Wasiirka Arrimaha Bulshada Maamulka Ximan iyo Xeeb, Cumar Maxamed Diiriye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan Wafdiga ay hoggaaminayso wasiirradda , kuwaasoo uu sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo ay soo gaaraan degmada.

Sidoo kale, Wasiiradda Haweenka DF Somalia oo iyadana warbaahinta la hadashay ayaa ka Mahad-celisay soo dhawaynta loo sameeyay, iyadoo Sheegtay inay Xubnaha ku sugan Cadaado kala hadli doonto sidii Haweenka ay kaalin ugu yeelan lahaayeen Maamulka loo dhisayo Gobollada Mudug iyo Galguduud.

“Aad ayaan ugu Mahad-celinayaa sida la iigu soo Dhaweeyay, Waxaana Doonayaa in aan xubnaha Guddiga Farmsada Shirka iyo Ergooyinkaba kala hadlo sidii Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay xubno ugu yeelan lahaayeen maamulka la dhisi doono,” ayay tiri Sahro Maxamed Cali.

Ugu dambeyn, La-taliyaha Wasaarada Haweenka ayaa iyadana Sheegtay in Safarka ay ku yimaadeen Degmada Cadaado uu la Xiriiro sidii Wasaradda Haweenku ay Xoogga u Saari lahayd kaalinta Haweenka iyo dadka la hayb-sooco iyo sidii ay tix-galin ugu heli lahaayeen maamulka Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Magaalada Cadaado ayaa Waxaa bilhiii lasoo dhaafay ka socday Shirweyne Maamul loogu dhisayo Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, kaasoo Wajigiisii Labaad galay, Inkastoo uu jiro muran ka dhashay Dastuurka uu Maamulkaas yeelanayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya