4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2015
Shabaab oo degmada Diinsoor kusoo bandhigay burburka diyaarad nooca Drone-ka ah (Sawirro)


Sabti, Juun 06, 2015 (HOL) — Al-shabaab ayaa goob Fagaare ku taalla Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay kusoo bandhigay maanta Burb-urka Diyaarad kuwa aan lahayn Duuliyaha ee loo yaqaanno Drone-ka, taasoo 17-kii May kusoo dhacday dulleedka Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay.

Burburka diyaaraddan oo ay ka Muuqdeen Kaamirooyinka wax Duuba ayaa Gaari dushiisa ay ku xirnayd, iyadoo markii dambe dhulka loosoo dajiyay, si ay u dadku ku nool Diinsoor u daawadaan, iyadoo la isugu yeeray inay fagaarahaas yimaadaan.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaan sheegin dalka laga lahaa diyaaraddan ay soo bandhigeen burburkeena, laakiinse waxay Tilmaameen inay tahay kuwa Cadawga ee Wax-ka-basaasa Deegaannada ay ka Taliyaan.

Lama oga dalka laga lahaa, waxaana badanaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn isticmaala Dowladda Mareykanka, iyadoo Labarka diyaaradan ku qornaa uu ahaa 390.

Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ayaa horay waxaa loogu deeqay Diyaarado Drones ah oo ah kuwa laga Dhex-hago Gaadiidka Qufulan ee ay Ciidamada, kuwaasoo ay u Adeegsan jireen howlgallo sahan iyo basaas ah, xilliyada ay weerarada Qaadayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya