4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2015
Ardayda Kuliyada Beeraha ee Jaamacadda City oo Safar Cilmiyeed ku Tagay Gobolka Sh/Hoose (SAWIRRO)


Sabti, Juun 06, 2015 (HOL) — Ardayda Kuliyadda Beeraha Jaamacadda City ee Muqdisho ayaa Safar-cilmiyeed ku tagay Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo ay horkacayeen safarka Madaxada Jaamacadda, Hormuudka Kulliyada Beeraha, Macallimiinta iyo Qubaro ku Xeel Dheer Cilmiga Beeraha iyo Wax-soo-saarka.

Jaamacadda City ayaa waxay Qaadatay mabda’aan in loo diyaariyo Ardayda Soomaaliyeed ee Wax-ka-barta Aqoon ku Filan oo Heer sare ah kuna Sar-go’an halbeegga Wax-barista ee caalamiga, iyadoo loo diyaariyay Kulliyad waliba kaabayaasheeda Waxbaris iyo barashaba oo ay haatan ka mid tahay Safarrada Cilmiga ah oo ay Ardayda Kulliyadda Beeraha Shalay ay ku tageen Beer loogu Talo-galay Tijaabinta Bacriminta Dhulka, beerista iyo cilmi baaris ku saabsan Wax soo-saarka.

Ardayda ayaa waxay si toos ah u guda-galeen Daraasaddoodii ku saabsaneed cilimi-barista, iyagoo hab koox koox ah ula gaaf meerayay macallimiintooda iyo Qubarada ku Xeel-dheer Culuunta Beeraha su’aalna ka weydiinayay waxqabad ka ay ka shaqeynayaan ama howlaha tijaabada ah ee ay darsayeen.

Sidoo kale, Qubarada ayaa soo bandhigay Macalluumaadyo la xariira arrimaha tacbashada iyo horumarinta dalka ayaa waxay ku Baraarujiyeen Ahmiyadda Tiknolojiyadda Casriga ah ay ku leedahay Kobcinta Wax soo-saarka.

Cilmiga Beeraha ayaa Laf-dhabar muhiim ah u ah Dhaqaalaha Dalka Soomaaliya, marka la eego dhulka Beerashada ku Habboon ee ku dherersan Labada Webi ee dalkeennu leeyahay, taasoo haddii si Quman oo Cilmiyeysan loo Beero laga maarmi lahaa Wal-wal Cunno yari, isla markaana dalagga Qaar ee dalka ka soo go’a loo dhoofiyo Dibadda.

Maamulka Jaamacadda City ayaa Xusay inay Ahmiyad weyn siinayaan soo saarista aqoon-yahan leh dhaqan iyo Xirfado la xariira Arrimaha Wax-soo-saarka iyo tacbashada Beeraha, iyadoo loo marayo hannaan cilimiyeysan oo ay hogaamineyso technology-yada casriga ah.

Dhanka kale, Waxay Jaamacadda kaalin muuqata ka cayaareysaa barashada cilmiga badda iyo Kalluumeysiga, iyadoo si aan ka yareyn Culuunta Beeraha, Diyaarisay Kaabayaal iyo Agab lagu baranayo Cilmiga Badda iyo Kalluumeysiga, Maadaama aynu leenahay Xeebta ugu dheer Qaaradda Africa marka laga reebo Koonfur Afrika.

Ugu dambeyn, Jaamacadda City ayaa Sheegtay inay Qaadaneyso Arday Cusub oo ku biiri doono Kulliyadaha Wax soo-saarka Beeraha iyo Kalluumeysiga, iyadoo Tix-galin gaar ah siineysa Ardayda deg-deg isku diiwaan-galisa, kuna boorineysa kuwa imtixaanka qabuulka Jamaacadda Kaalimaha ka gala qiimo dhimis raalli gelisa u sameyneysa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya