4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2015
FARMAAJO: Waxaan ku Talin lahaa in la Qabto Doorasho lagu kala Reebayo Xisbiyada Siyaasadda (SAWIRRO)


Sabti, Juun 06, 2015 (HOL) — Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo ahna musharrax u Tartamaya Xilka Madaxweynaha Dalka ee doorashada 2016-ka ayaa lagu soo dhaweeyay Magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota, Wuxuuna kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka.

Farmaajo ayaa sheegay in isaga iyo xubnaha xisbigiisa Tayo ay aragti ahaan ula muuqato inay muhiim tahay in doroashada 2016-ka lagu kala baxo qaab ku dhisan xisbiyo , lagana gudbo qaababkii hore.

“Waxaan ku Talinayaa in la qabto doorasho ka Horreysa tan Madaxweynaha, taasoo ay ku tartamaan Xisbiyada dalka ka jira, si laba ama  sadex xisbi ugu tartamaan doorashada guud ee madaxweynaha iyo kuraasta baarlamaanka dalka” ayuu yiri Farmaajo oo intaas ku daray.

“Talada dalku waxay Sahlanaaneysaa markii hal Xisbi ku guuleysto, Waayo waxaa yaraan doona mooshinada laga keeno xukuumadaha iyo fowdada siyaasadda”

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale Sheegay inay Damqineyso Arrinta Soomaaliya ee Xilligan. “Shacabka Soomaaliyeed Waxay u baahan yihiin inay ka Fikiraan Dadka ay Dooranayaan iyo Tayada ay leeyihiin, Dalku wuxuu marayaa Marxalad Adag, waana inaan ka Fikirnaa inaan doorano Dad tayo leh oo aan Qabiil iyo Musuq-musuq ku imaan” ayuu sii raaciyay.

Kulankaan oo ay soo Qaban-qaabiyeen Wakiilada Xisbiga Tayo ee Gobolka Minnesota waxaa sidoo kale ka hadlay C/risaaq Jalwo oo ka tirsan xisbigaas, wuxuuna sheegay inay dadaalkooda iskugu geyn doonaan sidii ay Farmaajo uga dhigi lahaayeen madaxweynaha dalka.

Waxaa kale oo Kulankaan ka Hadlay, Cabdi Warsame oo Tirsan Maamulka Magaalada Minneapolis iyo Guddoomiye ku xigeenka Ururka Qurbo-joogta Soomaaliyeed ee GSD, Sadiiq Warfaa kuwaas oo ku ammaanay waxqabadkiisii intii uu ahaa Ra’isul Wasaaraha dalka.

Ugu dambeyn, wuxuu Maxamed Farmaajo kula dar-daarmay qurbo-joogta Soomaaliyeed inay dhaqaale ahaa, cod ahaan iyo Taageero ahaan uga qeyb Qaataan Doorashada 2016-ka.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota