4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2015
Qaxooti kor u dhaafaya 10,000 oo Magaalada Boosaaso soo gaaray laga soo Billaabo Bishii Abriil
http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2015/04/720.jpg
Xuquuqda sawirka: Faysal Cumar, Reuters

Sabti, Juun 06, 2015 (HOL) —Ku dhowaad labo kun oo qof oo kasoo qaxay dagaallada ka soconaya dalka Yemen ayaa goor hore oo saaka ahayd soo gaarey dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaxootigan oo u badan Soomaali islamarkaana ku jiraan qaar u dhashay Yemen iyo Ethiopia, waxay la socdeen doon lagu magacaabo Suldaana oo gelinkii hore ee shalay kasoo shiraacatey dekedda magaalada Mukallah.

Qaar kamid ah hawl-wadeenada dekedda ayaa Hiiraan Online u sheegay in qaxootiga maanta yimid tiradoodu gaareyso 1950 qof, ayna u badan yihiin dumar, carruur iyo dad waayeel ah.

Mas'uuliyiin ka tirsan Puntland iyo xubno ka socda hay'adaha samafalka ayaa dadkaas si diirran ugu soo dhoweeyey gudaha dekedda, waxaana loo fidiyey gurmad deg deg ah oo isugu jira quudin iyo daaweyn.

Dadka waxaa intaas kaddib loo soo gudbiyey xarunta ku meel gaarka ah ee loogu talo galay in lagu nasiyo qaxootiga kasoo cararaya dagaallada ka socda Yemen, halkaaso ay horay ugu sugnaayeen boqollaal qof oo maalmihii u dambeeyey Baosaaso soo gaarey.

Sida uu xaqiijiyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrrimaha Gudaha ee Puntland waxaa laga soo bilaabo bishii April ee lasoo dhaafay soo gaarey magaalada Boosaaso qaaxooti tiradoodu gaareyso toban kun iyo boqol qof.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya