4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2015
Kulamo Xal loogu Raadinayo Colaado ka dhacay Xadka Itoobiya oo ka furmay Magaalada Jigjiga

Sabti, Juun 06, 2015 (HOL) — Wararka laga helayo Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad-degaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa waxaa ka Soconaya xalay illaa saakay kulammo gooni-gooni ah oo looga hadlayo colaado dhawaanahan ka socday Xuduudda Gobolka Gal-gaduud uu la leeyahay Itoobiya.

Wafdiga Dowladda Somalia ayaa waxaa xubno ka ah mas’uuliyiin ka socda xarunta madaxtooyada Somalia, mas’uuliyiinta gobolka Galguduud iyo Waxgaradkooda, kuwaasoo halkaas u tagay xal u raadinta colaaddan.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in wafdiga ka socda Dowladda Somalia iyo dhinaca maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya ay si aad ah uga hadleen Joojinta dagaalka, waxaana kulamadooda ay ahaayeen kuwo albaabbadu u xirnaayeen.

Kulammadan ayaa imaanaya xilli Xuduudka Gobolka Galguduud uu dalka Itoobiya la wadaago ay ciidamada Liyu Booliisku dad shacab ah ku laayeen, iyadoo sidoo kale mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan ay iyaguna sheegeen in shacab lagu laayay xadka uu Gobolka Hiraan la wadaago Itoobiya.

Wixii kasoo kordha kulammadan nabad raadinta ah waxaad kula socon doonaan wararka soo socda ee HOL Haddii Alle ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya