4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2015
SHARMA’ARKE: Kaligeen kama adkaan karno Al-shabaab Caalamku waa inay ka Qayb-qaataan


Sabti, Juun 06, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali ayaa ka hadlay guulaha ay xukuumaddu hadda shaqeynaysay ka gaartay dhinacyo dhowr ah ku dhaaawad saddex-sano.

Sharma’arke oo u waramayay Al-jazeera ayaa sheegay in dalka uu galay nidaam Federaali ah lana dhisay labada maamul goboleed oo KMG ah; haddana ay ku tala jiraan in mid kale oo saddexaad ay dhisaan goor-dhow.

Mar uu Amaanka ka hadlayay ayuu sheegay in markii Xilka Madaxweynaha lasoo Doortay Xasan Sh. Maxamuud, Sanadkii 2012-ki in Xarakada Al-shabaab ay maamulayso deegaano badan oo dalka ka tirsan, balse hada ay kusoo hareen hal gobol oo kaliya.

RW Somalia ayaa ku tilmaamay in colaadda Xarakada Al-shabab wali tahay mid taagan ayna ka baqayaan inay dibadda ku baahdo, isagoo xaqiijiyay in Soomaaliya kaligeed aysan awoodin inay ka adkaato balse Beesha Caalamka uga baahan yihiin in dagaalka laga taagero.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay soo jeedisay hannaanka isku-dhafka ciidamada oo uu tilmaamay in mar dhow ay doonayan inay dhisaan hal xarun oo laga amro inta aan la gaarin sannadka 2017-ka.

Cumar C/rashiid wuxuu rajo ka muujiyay yareynta ciidamada Soomalaiya ku sugan ee ka socda Midowga Afrika, isagoo xusay inay xoogga saarayaan sidii aysan mar kale dalku fowdo ku laaban.

Mar uu soo hadal-qaaday doorashooyinka la filayo inay dhacaan sannadka 2016-ka ayuu sheegay in Qorshaha loogu diyaar-garoobayo doorashooyinka ay meel aad u wanaagsan marayaan. Isagoo intaas ku daray inay maamul goboleedyo dhiseen, ayna doonayaan in dib u eegid lagu sameeyo Dastuurka KMG oo la doonayo in la soo-gaba gabeeyo akhrintiisa bisha December ee Sannadkan 2015-ka.

Ugu dambeyn, Sharma’arke wuxuu rajo ka muujiyay in guddiga Dastuurka ay Waddanka Gaarsiin doonaan heer ay Shacabku Codadkooda dhiibtaan, Isagoo Waddamada Carabta ugu baaqay inay taageero bani’aadamnimo lasoo gaaraan Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya