4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 5 , 2015
Dowladda Jabuuti oo Ciidammo dheeraad ah u soo diraysa Somalia si ay ugu biiraan AMISOM


Jimco, Juun 05, 2015 (HOL) — Ururka Midowga Afrika iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa shalay oo Khamiis ahayd kala saxiixday heshiis la xiriira in Jabuuti ay 900 oo dheeraad ah u dirto Somalia si ay ugu biiraya Ciidamada Midowga Afirka (AMISOM) ee ka Howlgala Soomaaliya.

Saxiixa Heshiiskaan oo ka dhacay Xarunta Ururka Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa waxaa Jabuuti u Saxiixay danjiraha Jabuuti ee Itoobiya isla markaana ah Ergayga u jooga Midowga Afrika, Maxamed Idiris Faarax, iyadoo Midowga Afrika uu u Saxiixay madaxa guddiga nabaddda iyo ammaanka ee Midowga Afrika, Smail Chergui.

Hadal uu Chergui jeediyay ayuu uga Mahad-celiyay Shacabka iyo Xukuumadda Jabuuti Ciidamada ay ku Taageerayaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya iyo dadaalkooda ku aadan in lasoo Af-jaro Colaadaha iyo Xasillooni-darrada ka Taaganaa Somalia Sannadaha badan.

“Afrika weligeed ma ilaawi doonto Dadaalka ay Jabuuti ku doonayso in dib loosoo celiyo amniga iyo deggenaashaha Somalia. Waxaana uga tacsiyeynayaa geesiyaashii kaga dhigay Soomaaliya iyagoo u taagan waajibaadkooda ah inay nabadda Somalia dib u soo celiyaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Smail Ghergui.

Sidoo kale, Dajiraha Jabuuti ee Soomaaliya ayaa isaguna Goobta ka sheegay in Jabuuti ay dareensan tahay waajibaadka ka saaran Caawinta Walaalahooda Soomaaliya ee ay Dariska yihiin. Isagoo Intaas ku daray in Deggenaashaha iyo Nabadda Somalia ay u tahay Muhiim Jabuuti iyo dalalka kale ee Gobolka ku yaalla.

“Jabuuti waxaa ka Go’an inay sii Waddo Caawinta Dalka ay Dariska yihiin, mar walba oo laga dalbado inay Ciidammo Dheeraad ah u dirtana ay Diyaar u Tahay inay u Dirto,” ayuu mar kale yiri dajire Maxamed Idiris.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa kaga sugan Somalia Guuto Ciidammo ah, kuwaasoo qayb ka ah Howl-galka Midowga Afrika ee lagu Caawinayo Soomaaliya, Howl-galkaasoo ay Qayb ka yihiin Ciidammo ka kala socda Waddamada Kenya, Uganda, Burundi iyo Itoobiya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya