4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 5 , 2015
Baarlamanka Somalia oo loo gudbiyay Mooshin ka dhan ah darbiga ay Kenya ka dhisayso Xadka


Jimco, Juun 05, 2015 (HOL) — Shir ay Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Somalia Shalay ku yeesheen Muqdisho ayaa looga Hadlay Howlaha Baarlamaanka Soomaaliya hor-yaalla iyo Ajandayaasha la Filayo inuu Baarlamaanku Meel-marin doono Toddobaadka soo socda, iyadoo Mooshin ka dhan ah Darbiga ay Kenya ka dhisayso Xuduudda ay Somalia la Wadaagto loo Gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiyada Joogtada ah oo kulankoodu dhowr Saacadood Socday ayaa uga dooday intii uu socday arrimaha xasaasiga ah oo ay ugu horreyso xildhibaannada kulamada Baarlamaanka ka Maqnaada inta badan, kuwaasoo Howlaha Baarlamaanka Somalia Hor-yaalla ka Dhigay kuwo Qabyo ah.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somalia, Mahad C/lla Cawad oo markii uu kulanku soo dhammaaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baarlamaanka loo soo gudbiyay Mooshin ka dhan ah darbiga ay Kenya ka dhisayso Soohdinta Somalia iyo Kenya u dhexeysa.

“Mooshinkan waxaa soo gudbiyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Somalia, Waxaana Xildhibaannada Baarlamaanka loo Qaybin doonaan Kulammada soo Socda ee uu Baarlamaanku yeelanayo,” ayuu Cawad u sheegay Warfidiyeenkii uu la hadlay.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Mooshinkan Darbiga ay ka dhisayso Kenya Xadka laga soo Diyaariyay ay Xildhibaannada Baarlamaanka Go’aan cad ka qaadan doonaan, kaddib markii ay ka Doodaan.

“Aragtida Mooshinkan waxaa qaba inta badan xildhibaannada Baarlamaanka, balse waxaa la sugayaa oo keliya in loo qaybiyo Xildhibaannada Baarlamaanka Toddobaadka soo socda si ay Go’aan cad uga Qaataan Arrinta Dabigan,” ayuu Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka hadalkiisa ku daray.

Mooshinkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Labo Kulan oo ka mid ah Kal-fadhiga Lixaad ee baarlamaanka federaalka Somalia oo loogu codeyn lahaa mooshin ka dhan ah Baarlamanka Jubbaland ay kooram la’aan u baaqdeen.

Ugu dambeyn, Mooshinkaan laga keenay Darbiga ay Kenya dhisayso ayaa Wuxuu ku soo Beegmayaa iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia iyo Xildhibaanno ay ku Maqan yihiin Dalka Uganda.

Si kasta ha ahaatee, Waxaa Maalin ka hor ka hadlay Darbiga ay Xadka ka dhisayso Kenya Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar oo sheegay in aanay ogolaan doonin in Taako ka mid ah Somalia lagu soo Xad-gudbo, uuna sababi karo darbigan dhibaato hor leh.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya