4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 5 , 2015
Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Uganda oo Ku Kulmay Kampala (SAWIRRO)


Jimco, Juun 05, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shir lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada-shaqeynta Baarlamaanada Soomaaliya iyo Uganda la qaatay dhiggiisa Uganda.

Kulankaan oo ka dhacay dhismaha Baarlamaanka Uganda ayaa Waxay Afhayeennadu uga Wada-hadleen halka uu marayo Xiriirka iyo is-kaashi ee Baarlamaannada labada Waddan, waxaana si gaar ah loo eegay hirgelinta heshiiskii ay Kampala ku kala Saxiixdeen Labada Guddoomiye Baarlamaan Bishii Ogoosto ee Sannadkii 2013-kii.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey Guddoonka iyo Baarlamaanka dalka Uganda Hir-gelinta Heshiiskii ay horay u kala Saxiixdeen Labada Baarlamaan, kaasoo Fulintiisa ay ka mid ahayd Qibrad Is-weydaarsiga Labada Baarlamaan iyo Tababbarrada ay Dalka Uganda ku Qaataan Guddiyada iyo Howl-wadeennada Baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda, Hon Rebeca Kedega oo Kulanka hadal ka jeedisay ayaa iyadana Bogaadisay Hormarrada uu Baarlamaanka dalka Soomaaliya ku tallaabsaday, waxayna ballan-qaaday inay sii xoojinayaan Taageerada, Xiriirka iyo wada-shaqeynta ay la leeyihiin Baarlamaanka Soomaaliya.

Intaa kaddib ku-simaha danjiraha Somalia ee dalka Uganda ahna Xog-hayaha koowaad ee Safaaradda, Cali Qadar oo markii uu kulanku soo dhamaaday la Hadlay Warbaahinta ayaa xusay in Kulanku uu la xiriiray waxa ka Hir-galay Heshiiskii hore iyo Sidii loo sii Xoojin lahaa Wada-shaqeynta labada Baarlamaan u dhaxeeya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Jawaari ayaa Magaalada Kampala kula kulmay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Waddamada Rwanda, Isu-tagga Golaha Baarlamaanada dalalka Bariga Afrika iyo weliba ergayga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya