4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 5 , 2015
PUNTLAND: Gobolka SOOL oo Ku Guuleystay TARTAN Hiddaha iyo Dhaqanka ah (SAWIRRO)


Jimco, Juun 05, 2015 (HOL) — Taratanka Toddobaadka Hiddaha iyo Dhaqanka lagu soo gaba-gabeeyay Puntland, kaasoo ay ku tartamayeen gbollada ay ka kooban tagay Puntland ayaa shalay galinkii danbe lagu soo gunaanaday magaalada Garowe, waxaana xafladda ay soo qaban-qaabiyay wasaaradda warfaafinta Puntland.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas Qaar kamid ah hogaanka dhaqanka Puntland, Wax-garad iyo Dadweyne aad u fara badan ayaa kasoo Qayb-galay Xiritaankii tartankan oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe.

Kooxdii matalaysay Gobolka Sool oo ku Guulaysatay tartankan ayaa heshay 94 dhibcood dhamaan tartanadii dhacay, waxaana kaalinta labaad galay gobolka Cayn oo isna helay 87 dhiboocd, iyadoo kaalmaha sedexaad iyo afaraadna ay kala galeen gobollada Hayland iyo Nugaal.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in Puntland ay soo bandhigtay inay tahay umad dhaqanka ku faanaysa,” ayuu yiri Gaas oo munaasabadda hadal dheer ka jeediyay ,isaga oo amaanay kaalinta haweenku ay ka qaateen qabsoomidda tartankan.

Madaxweynaha iyo marwadiisa ayaa si wadajir ah markii kooxdii Gobolka Sool ka socday u guddoonsiiyay abaal-marin, waxaana Wasaaradda Warfaafinta uu u ugu baaqay in la kor-dhiyo qabashada tartanada noocaan oo kale ah.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, C/wali Xirsi Cabdulle (Indho-guran) ayaa sheegay sababta barnaamijkan loo qabtay ay tahay sidii awoodda dhaqanka Soomaaliyeed kor loogu qaadi lahaa ,isla markaana loogu dhiiri-galin lahaa umadda qaybaheeda kala duwan.

Ugu danbayn,tartanka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee lagu qabto Puntland, Waxaana Wasiirka Warfaafinta uu Sheegay in Gobollada Puntland looga baahan yahay u Diyaar-garowga tartanka xiga oo isna dhawaan la qaban doono.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]