4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 5 , 2015
KENYA oo Shan Ruux u Maxkamadeynaysa Weerarkii lagu Qaaday Jaamacadda Gaarisa


Jimco, Juun 05, 2015 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa Shan Ruux u Maxkamadeynaysa Weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Horraantii Bishii hore ee ABRIIL lagu Qaaday Jaamacadda Gaarisa.

Shantaan ruux oo lasoo taagay Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa Afar ka mid la sheegay inay yihiin Keenyaan, halka kan kalena uu yahay Tanzanian, waxaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu dilay 148-ka qof oo u badan ardayda.

Raggan ayaa iska diiday dhammaan eedeymaha lagu soo oogay, waxaana dacwad-oogaha uu Maxkamadda ka sheegay illaa 162 dambiyo argagixisonimo ah, iyagoo noqonaya shaqasiyaadkii ugu horreeyay oo weerarka Jaamacaddii Gaarisa loosoo taago maxkamad.

Magacyada dadkii lagu dilay Weerarkaas oo u badnaa Arday ayaa Maxkamadda laga akhriyay, sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka AFP.

Garsoorasha Maxkamadda Daniel Ogembo ayaa sheegay in dadkan lagu sii haynayo Xabsiga illaa 11 bisha June ee sannadkan, xilligaasoo dib la isugu soo laaban doono dhageysiga dacwada.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyadoo la xiriirisay Joogitaanka Ciidamada Kenya ee Qaybta ka ah AMISOM iyo Dhibaatooyinka ay ka Geystaan.

Weerarkii Jaamacadda Gaarisa ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee Al-shabaab ka Geysato Gudaha dalka Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya