4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 5 , 2015
XALIIMO YAREY: Waxaan Rajeynayaa in Buuqa Shirka Cadaado ka Taagan Xal laga Gaari doono


Jimco, Juun 05, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Shirka Cadaado ka Socda ee lagu dhisayo Maamulka Gobollada Dhexe, Xaliimo Yarey ayaa ka Hadashay buuqii ka dhashay shirkii ergada ee ka socday Cadaado, iyadoo faah-faahin ka bixiyay muranka jira iyo waxyaabaha la isku hayo.

Xaliimo Yarey ayaa xustay in loogu Heshiiyay Qorshe hawleed lagu Socodsiinayo shirka Gobollada Dhexe, iyadoo tilmaamtay in buuqii shalay ka dhashay shirka aanay jirin wax dhibaaro ah oo ka dhashay.

“Waxyaabaha muranka dhaliyay waxaa ka mid ah in ergada ay shaqadooda noqoto kaliya ka doodista iyo Ansixinta Dastuurka, balse xubnaha qaar ka mid ah ayaa ama musharaxiinta ayaa qof walba wuxuu doonayaa inay wax walba noqdaan sida uu wax u doonayo iyo ergada oo ku doodaysa inay iyagu doortaan madaxweynaha,” ayay tiri Xaliimo Yarey oo VOA-da u warrramaysay.

Sidoo kale, guddoomiyuhu ayaa ka hadlaysay waxyaabaha kale ee dooddu hadda ka taagan tahay ay ka mid yihiin magaca loo bixinayo Maamulka iyo Calanka uu yeelanayo, waxayna xustay in lasoo bandhigyo magacyo kala ah Galmudug State, Mudug iyo Galgaduud iyo Central Somalia.

“Dad baa kasoo hojeeday Magaca Galmudug State oo dhahayay maamul hore lagu yaqaannay, kuwa kale magacyo kale ayay wadeen sida Central Somalia, Mudug iyo Galgaduud, dhammaan kuwaas waxay u baahan yihiin in ergadu isku raacdo,” ayay tiri Xaliimo Yarey.

Waxay kaloo sheegtay in maanta ay rajo ka qabaan in murananda jira oo dhan la xaliyo, si maalinta berri oo Sabti ah la isugu soo laabto, lagana doodo Dastuurka, si loo ansixiyo, iyadoo intaa ku dartay in Shacabka Gobollada Dhexe ay wax wada leeyihiin, balse loo baahan yahay in wax walba lagu xaliyo is qancin iyo tanaasul.

Ugu dambeyn, waxay ka dhawaajisay in Qorshuhu yahay in 15 Bisha lagu doorto Madaxweynaha Gobollada Dhexe, isla markaana inta ka horreysa Dastuurka la Ansixiyo iyo Xildhibaanadana la soo doorto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya