4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 4 , 2015
SHARIIF Xasan oo Maamul Cusub u Magacaabay Gobolka Bay iyo Degmada Baydhabo


Khamiis, Juun 04, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka KMG ee Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta Wareegto ku Magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Bay, iyadoo loo magacaabay C/rashiid C/llaahi LFC oo sanadihii lasoo dhaafay u shaqeynayey Hay’adaha Samafalka sida; CARE, WFP, OCHA iyo NRC.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidoo kale Magacaabay laba Guddoomiye ku xigeen iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, iyadoo loo magacaabay, Cali Mad Watiin oo isagana ka shaqeynayay Hay’adda Qaramada ee Miino-baarista - Mine Action.

Xafladda Magacaabidda mas’uuliyiintan ayaa waxaa joogay ka ahaa Wasiirrada Maamulka Koonfur-galbeed, nabaddoonnada, Saraakiisha AMISOM iyo Hay’adaha Samafalka.

Guddoomiyeyaasha Cusub ee Gobalka Bay iyo Degmada Baydhabo ayaa isla goobtii lagu magacaabay lagu dhaariyay, iyagoo bedeli doona maamulkii hore ee degmada iyo kii Gobolka Bay oo goor-dhow uu sheegay madaxweynaha Koonfur-galbeed inuu waqtigoodii dhammaaday.

Ugu dambeyn, hadla uu Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Bay ka jeediya xafladda ayuu ku sheegay inuu si cadaalad ah ugu shaqeyn doono shacabka Gobolka Bay ku nool ee uu mas’uuliyaddooda qaaday. Isagoo Ballan-qaaaday inuu Waxqabad la Taaban karo uu ka qaban doono Gobolka, gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka, Beeraha iyo Waxbarashada.

Hiiraan Online, Baydhabo