4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 4 , 2015
Kulan ay Maanta Isugu Yimaadeen Ergooyinka Cadaado oo buuq awgiis loo hakiyay (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 04, 2015 (HOL) — Waxaa Maanta Hoolka Shirarka ee Magaalada Cadaado ka furmay kulankii ugu Horreeyay ee ay yeeshaan ergada ka qaybgalaysa Shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee Somalia ee dhawaan lasoo xulay, wuxuuna ajandaha maanta ahaa in la Qaybiyo Dastuurka Maamulkaas uu yeelanyo.

Laakiinse shirka oo aanan wax badan soconin ayay Guddiga Farsamada ee Shirka Cadaado iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia waxay ku dhawaaqeen inuu shirku xiran yahay, kaddib markii sida la sheegey la isku afgaran waayay nuqulada dastuurka ee la qaybiyay oo ay ka Maqnaayeen Qodobo Xasaasi ah.

Sidoo kale, weli lama sheegin xilliga ay ergadu yeelanayaan kulankan midka xiga, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in lagu murmay Dastuurka la qaybiyay, kaddibna albaabbada loo laabay shirka. Waxaana hoolka ku kala dareeray Ergooyinkii.

Xukuumadda Somalia iyo Guddiga Farsamada ayaan weli ka hadlin sababta keentay inay ku dhawaaqaan in shirku uu xiran yahay, balse waxaa la sheegayaa inuu buuq ka dhashay nuqullada dastuurka ah ee la qaybiyay.

Ugu dabmeyn, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Shirka Wajigiisa labaad furay Axaddii la soo dhaafay, iyadoo Tani ay Noqonayso Caqabad kale oo Shirka kusoo Korortay, iyadoo Sharma’arke uu ka Dalbaday Ergada inay Shirka kusoo Gaba-gabeeyay Dhamaadka Bisha Ramadaan ee soo socota.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya