4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 4 , 2015
Mucaaradka Rwanda oo isku dayaya in uu Hor-joogsado in Markii Saddexaad la doorto Kagame


Khamiis, Juun 04, 2015 (HOL) — Xisbiga ugu awoodda badan Mucaaradka dalka Rwanda ee Green Party ayaa wada qorshe uu kaga hortagayo in dastuurka dalkaas la bedelo, laguna daro in saddex jeer uu madaxweynuhu xilka isku sharraxo, taasoo uu madaxweyne Kigame ku doonayo inuu isku taago doorashada dhacaysa sannadka 2017-ka.

Burundi oo daris la ah Rwanda, isla markaana ay dadkoodu isku jinsi yihiin ayaa waxaa ka socda mudaaharaadyo lagu diiddan yahay inuu madaxweynaha dalkaas Pierre Nkurunziza ka qayblo markii saddexaad doorashada madaxweynenimo.

“Waxaanu maxkamadda sare ee Rwanda u gudbinnay shalay dacwad aan kaga dalbanayno inay diiddo isku-dayga Baarlamaanku ku doonayo inuu is-bedel ku sameeyo Dastuurka; gaar ahaan qodobka 101-aad oo xadidaya mudada uu isku soo sharraxi karo doorashada madaxweynaha,” ayuu guddoomiyaha Xisbiga Green Party, Frank Habineza oo la hadlayay AFP.

Dastuurka dalka Rwanda oo la dajiyay Sannadkii 2003-dii ayaa dhigaya in Madaxweynaha uu xilka isku soo taagi laba xilli oo keliya, iyagoo sannadkaas loo doortay madaxweynaha dalkaas Paul Kagame, iyadoo markii labaadna la doortay 2010-kii, balse la sheegayo inuu hadda doonayo inuu mar saddexaad xilka u tartamo.

Saraakiil ka Tirsan Xukuumadda ayaa sheegay in Baarlmaaanku uu muddo Laba bilood ah ka doodayay sidii wax looga bedeli lahaa dastuurka, iyagoo sababta ku sheegay in Kagame ay shacabka dalkaas jecel yihiin in mar kale uu xilka qabto.

Afhayeenka Baarlamaanka Dalka Rwanda, Donatilla Mukabalisa ayaa isaguna sheegay in mooshinka wax looga bedelayo doorashada madaxnimo ay saxiixeen laba milyan oo qof oo ah qiyaastii 17% shacabka dalkaas, kuwaasoo dalbanaya in madaxweyne Kigame uu kusii joogo xafiiska mar saddexaad.

Kagame 57-jir ah ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu sarreeya waddankaas tan iyo 1994-kii, markaasoo dalkaas ay ka dhaceen colaado jinsiyadeed oo ay ku dhinteen 800,000 oo qof oo u badan Huutuu.

Sidoo kale, Paul Kagame oo horay u ahaa wasiirka gaashaandhigga ahna madaxweyne ku xigeenka dalkaas ayaa Xilka madaxnimo ku Guuleystay kaddib markii uu helay Codadka 95%, isagoo mar kalena dib loo doortay.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalka Rwanda ayaa ku doodaya in Paul Kagama uu yahay mas’uul wax badan ka Qabtay ammaanka iyo Deggenaashaha Dalkaas oo ay ka dhaceen colaado isir-xasuuq ah, sidoo kalena uu qayb weyn ka qaatay Horumarka Dhaqaalaha.

Ugu dambeyn, Sannadkii la soo Dhaafay ee 2014-ka ayay ahayd markii la Hor-joogsaday inuu madaxweynihii hore ee Waddankaas, Blaise Compaore uu mar saddexaad xilka isku soo taago, iyadoo Burundi ay xiisado middan la mid ah ka taagan yihiin hadda, dibna loo dhigay doorashadii dalkaas ka dhici lahayd dhammaadka bishan Juun.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya