4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 4 , 2015
Doorashooyinkii Madaxnimo iyo Baarlamaan ee Burundi oo Muddo aan la Ogeyn dib loo dhigay


Khamiis, Juun 04, 2015 (HOL) — Mas’uuliyiinta dalka Burundi ayaa Shaaciyay inay dib u dhigeen doorashada madaxtinimada iyo midda baarlamaanka, kaddib rabshado siyaasadeed oo weli ka socda xarunta dalkaas ee Bujumbura iyo meelo kale.

Willy Nyamitwe oo ah afhayeen u hadlay madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa sheegay in xilliga la Qabanayo doorashada ay ku dhawaaqi doonaan Guddiga Doorashada dalkaas.

Talaabadan ayaa waxay Muujinaysaa in Pierre Nkurunziza uu Aqbalay Cadaadisyada kaga imaanaya dibadda ee ah inuu dib u dhigo doorashada doodda ka taagan tahay ee lagu wado inay dalkaas ka dhacdo bishan dhammaadkeeda.

Nkurunziza ayaa wuxuu Cadaadiska ugu badan uga imaanayaa Dalalka Gobolka oo ay ka mid yihiin kuwa dariska la ah dalkaas; kuwaasoo sheegay inay doonayaan in xal loo helo xiisadaha ka taagan Burundi.

“Qof kasta oo madaxweynaha uu ka mid yahay, waxay u muuqataa inuu hadda ogaaday in aysan suuro-gal ahayn in doorasho xor ah oo xaq ah ay dalkaas ka dhacdo, iyadoo rabshado ay ka socdaan Burundi,” sidaas waxaa yiri mas’uuliyiin ka tirsan asxaabta dalkaas.

Maalintii Axadda ahayd ee lasoo dhaafay ayay Hoggaamiyeyaasha Dalalka Bariga Afrika waxay dalbadeen in doorashada Burundi dib loo dhigo illaa lix toddobaad. Iyadoo dalkaas ay kasii socdaan dibadbaxyadii looga soo horjeeday madaxweynaha.

Ugu dambeyn, mucaaradka dalkaas ayaa waxay dareemayaan in hogaamiyayaasha gobolka aysan tallaabo Wanaagsan qaadin, iyagoo ku Doodaya inay Doonayaan in uu Madaxweyne Nkurunziza siyaasadda uga baxo si sharaf leh.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya