4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 4 , 2015
SAWIRRO: Tababar la Xiriira Dhaqanka iyo Far-shaxanka oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho


Khamiis, Juun 04, 2015 (HOL) — Munaasabad Qayb ka ah Barnaamijka soo Nooleynta Dhaqanka, Farshaxanka iyo ciyaaraha oo ka socday qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa tababar dhinaca farshaxanka loogu furay dhallinyarada degmada C/casiis.

Guddoomiyaha Degmadda Cabdicasiis, Cismaan Muxyadiin Cali ayaa yir “Wasiir halkan waxaa fadhiya afar iskool waxaana loogu tala-galay inay ku tartamaan ama ay muujiyaan waa wax ka tarjumaya nabadda iyo is-bedelka ka jira dalka gaar ahaan Caasimadda Dalka. Barnaamij waa mid aad u qiimo badan waxaynu og-nahay dhawr sano ka hor waxaa lagu tartarmi jiray ma ahan qalin, jeesto iyo mastarad la qaato ee waxaa lagu tartami jiray wax-yaabo kale, marka tani waa guul.”

Sidoo kale, Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Bahlaawi ayaa Isaguna ka yiri goobta. “Sida Guddoomiyuhu sheegay wax badan baa dagaal iyo dhib iyo qaxar lagu jiray; dhallinyarada halkan fadhida oo wax baraneysa ee yar-yarka ah oo da’adoodu aanay shan iyo tobanka dhameyn waxaa horseed u ah in loo bilaabo nabaddii iyo wanaaggii. Sidaad la socotaan dalkeena waqti badan ayuu colaad ku jiray waa laga qaxay, laakiin hadda waa loosoo qaxay taas ayaana muujineysaa in nabaddii ay soo noqonayso.”

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Cabdullaahi Colaad Rooble oo Tababarka furay ayaa yiri. “Haddaan la abuurin beertii markii ay weynaato tii bedeli lahayd, oo aanan laga fekerin tii kale siidii loo abuuri lahaa dhibaato ayaa imaanaysa kuna imaaneysa bulshada markaa bulshada waxaa laga soo dhisaa Aasaaska, Dhallinyarada aadka u da’da yare ee Hadda maskaxdoodu wax kasta qabanaysa marka hoos laga soo dhiso waxaan aaminsanahay in wax badan la qaban karo. Tababarkan ma ahan mid Gobolka Banaadir ku ekaanaya, balse waxaa la gaarsiin doonaa gobollada dalka oo dhan, si ay shacabka u fahmaan ahmiyadda nabadda ay leedahay.”

Ugu dambeyn, Bandhiggan ayaa wuxuu Muqdisho ka socday todobaadyadii lasoo dhaafay; iyadoo dhallinyarada ka Qayb-galaysa ay kusoo Bandhigaan Dhaqanka, Farshaxanka iyo Ciyaaraha ay Soomaaliya caanka ku tahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya