4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2015
Gudoomiyaha Dhoobleey oo ka warbixiyay xaaladda deegaankaasi
Arbaco, Juun 03, 2015 (HOL) — Gudoomiyaha deegaanka Dhoobleey Siyaad Xasan Uleex oo wareeysi gaar ah siiyay shabakadda HOL ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee deegaanka Dhoobleey oo ku yaal xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xaaladda magaalada Dhoobleey ay aad u dagantahay islamarkaana ammaanka magaaladaasi uu yahay mid aad u wanaagsan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in magaalada ay ka soconeeyso u diyaargarow loogu jiro soo dhaweynta gudiga qorista dastuurka Jubbaland, kaasoo la filayo in maaalinimada berito ah uu gaaro halkaasi.
“Xaaladda Dhoobleey aad ayay u wanaagsantahay, Bulshada deegaanku waxay isu diyaarinayaan sidii ay araahdooda uga dhiiban lahaayeen dastuurka cusub ee Jubbaland ee ay qoristiisu socoto,” ayuu gudoomiyuhu hadalkiisiii raaciyay.

Gudiga loo xilsaaray dastuurka ayuu gudoomiyuhu sheegay in mudada ay ku suganyihiin Dhoobleey ay kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Dhoobleey.

Dhinaca kale, gudoomiyaha ayaa sheegay in magaalada Dhoobleey ay kasoo kabsaneeyso dhibaatooyinki ay dhaxalsiiyeen dagaalladiii sokeeye ee dalka soo maray, isagoo ugu baaqay qurbajoogta u dhalatay gobollada Jubooyinka in ay u istaagaan sidii ay u maalgashan lahaayeen deegaanadooda islamarkaana uga qeybqaadan lahaayeen horumarka dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.