4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2015
Degmada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool oo Laga Billaabay dib-u-dhiska xarumo dhowr ah


Arbaco, Juun 03, 2015 (HOL) — Xarumo dhowr ah oo ku yaalla Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa maanta laga billaabay Howlo dib-u-dhis ah, Xarumahaas oo ay ka mid yihiin Saldhigyada Booliiska iyo Guriga Duqeyda.

Guddoomiyaha Gobolka Sool, Yaasiin Maxamed Shidde oo ka Hadlayay isagoo Dhagax-dhigayay Saldhigga Barrie ee Magaaladda Laascaanood ayaa sheegay inuu jiro wax-qabad ballaaran uu ka go'an yahay maamulkiisa.

“Waxqabadka aan hadda wadno waxaa ka mid ah Qurxinta bilicda Laascaanood oo waad aragtaan waddooyinka la baneeyay, maantana waxaan bilaabaynaa dib-u-dhiska laamaha Ammaanka oo Saldhigyadii magaalada ay ka mid yihiin; kuwo kale oo cusbna waan bil-laabaynaa,” ayuu yidhi Yaasiin Shidde.

Sidoo kale, Taliya Qaybta Booliiska Gobolka Sool, Col.  C/raxmaan Colhaye ayaa isagana ka warramay baahida loo qabo ballaarinta laamaha amniga, isagoo sheegay in Laascaanood ay ballaaratay Dadka ku Noolna ay sii Badanayaan loona baahan yahay Saldhigyo Cusub, waxaana ku dheeraaday magaalada sida ay Waqtiyadan Amniga u tahay, isagoo hoosta ka Xariiqay inay taasi Sabab u tahay Wada-shaqayn Odyaasha iyo Ciidanka Magaalada dhex-martay.

Qaar ka mid ah Waxgaradka Gobolka Sool ayay ku sheegeen in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo loo baahnaa, iyagoo ku amaaneen maamulka in uu u soo jeestay sidii Wax-qabad uu u muujin lahaa.

Mas’uuliyiinta maamulka waxay socod kusoo mareen meelaha ay shaqooyinka banneynta ah ka socdaan, waxayna xuseen inay sii wadayaan hawlaha lagu soo celinayo bilicda guud ee Magaalada Laascaanood.

Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Sool iyo kan Magaalada Laascaanood ayaa Howlo ka waday Toddobaadyadii lasoo dhaafay Magaalada, Taasoo Hadal-haynteedu ay si aad ah u wadaan Bulshada Qaybaheeda kala duwan; iyadoo si aad u kala duwanna loo Hadal-hayo Faa’iidada iyo Waxyeellada hawl-galladan ay keeni karaan./

Si kastaba ha ahaatee, Qaar ka mid ah ganacsatada ay saamaysay burburinta iyo banneynta waddooyinka ayaa ku cabanaya in khasaare aanay ka soo kabanayn la gaadhsiiyay; halka Qaar kalena ay Qabaan inay tallaabadani tahay mid loo baahnaa oo ay soo dhaweynayaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool