4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2015
Wafdi uu Hoggaaminayo Safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Beledweyne


Arbaco, Juun 03, 2015 (HOL) — Wafdi Ballaaran oo uu Hor-kacayay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubad Rooblle oo ay wehliyeen wakiilada midowgga Yurub iyo Afrika ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Safiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif  kusoo dhaweeyay mas'uuliyiinta ka tirsan maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada AMISOM, iyagoo ka dib soo dhaweynta loo qaaday Gudaha Magaalada Baladweyne.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kaafi) ayaa u sheegay warbaahinta in wafdiga iyo Mas'uuliyiinta maamulka ka wadda hadlleen Arrimmo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen amniga, mashariicda hormarineed, iyo Shir-weynaha dib-u-hishiisiinta ka soconaya magaalada Beledweyne.

''Ujeeddada Socdaalka Wafdigaan waxaay ahayd sidii ay ugu Kuur-geli lahaayeen Amniga iyo in ay dib u eegis ku sameeyaan mashaariicda hormarineed ee ka socda Beledweyne, siddoo kale waxaa ay isla soo qaadeen wafdiga iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolka shirweynaha dib-u-hishiisiinta beelaha dega gobolka oo ay siweyn u soo dhaweeyeen ayuu yiri '' Xassan Kaafi.

Kulamada kaddib ayay xubnaha wafdiga soo kormeereen biyo xireen laga dhisay hareeraha wabiga oo ay iska kaashadeen dowladda Jabuuti iyo maamulka degmada Beledweyne.

Booqashada wafdigan ayaa imanaya xili wali magaalada Beledweyne fidsan tahay gogosha dib-u-hishiisiinta oo lagu koriyay muddo 21 cisho ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya