4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2015
Dagaal Culus oo mar kale Maanta ka Qarxay Deegaanka Deefoow oo ka tirsan gobolka Hiiraan

Arbaco, Juun 03, 2015 (HOL) — Ku dhawaad 10 Ruux ayaa ku Geeriyootay tiro kale oo intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmay kaddib dagaal culus oo subaxnimadii hore ee saakay ka qarxay deegaanka Deefoow iyo tuulooyin hoostaga oo dhaca xadka gobolka Hiiraan uu la wadaag Itoobiya.

Dagaalka oo ah mid Culus ayaa u Dhaxeeya Malleeshiyo Beeleed Deegaanka ka tirsan iyo Ciidamada Dowlad-Deegaanka Somalida Dalka Itoobiya ee Liyuu Booliiska, sidaay  inoo xaqiijiyeen dadka deegaannada lagu dagaallamay.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka ayaa la soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Dagaalka Deefoow oo bilihii ugu Dambeeyayba soo Jiitamayay ayaa u Dhaxeeya Labo beelood oo ku dirirsanaa lahaansha dhulka lagu dagaallamayo, laakiin waxaa muuqata in hadda dagaalku waji kale yeellanayo madaama la sheegay in ay ku soo biireen isla- mar-kaana qeyb ka yihiin ciidammada dowlad deegaanka Itoobiya oo gacan siinaya mid garab ka mid ah dhinacyada dirirtu u dhaxeyso.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya xadka gobolka Galguduud uu la wadaago Itoobiya ayaa sheegaya in uu socdo dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed iyo Ciidamada Liyuu Booliiska Itoobiya oo maalmihii ugu danbeeyayba halkaa ku dagaallamayay.

Illaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, hase haatee dagaalladii ugu danbeeyay dhacay ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen dad ka badan 50 Ruux.

Odayaasha iyo Wax-garadka labada Gobol Hiiraan iyo Gal-guduud ayaa ku eedeeyay is-maamulka Soomaalida Itoobiya inay colaad ka hurinayaan xuduudka labada Gobol ay la wadaagaan Itoobiya,waxaana ay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in ay arrintan jawaab ka bixiso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya