4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2015
WASIIRKA AMNIGA: Darbiga ay Dowlada Kenya ka dhisayso Xadka Dhibaato ayuu Abuuri karaa


Arbaco, Juun 03, 2015 (HOL) — Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay darbiga ay Kenya ka dhisayso xadka ay la wadaagto Somalia, si ay uga hortagto Weerarada Al-shabaab.

Mudane C/risaaq oo Warbaahinta kula Hadlay Muqdisho ayaa sheegay inuusan jirin dal ku soo xadgudbi kara xuduuda Soomaaliya, isagoo tilmamay in darbiga ay Kenya dhiseyso uu dhibaato abuuri karo.

“Dowladda Soomaaliya waxay rumeysan tahay in dal deris ah uusan kusoo xad-gudbi karin xuduuddeeda, in lagu soo xad-gudbo hal Taako oo ka mid ahna ma Ogolaaneyno,” ayuu ku yiri wasiirku hadalkiisa.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga ayaa intaas ku daray. “Arrinta ku saabsan dhisidda Darbiga ay Dowladda Kenya ka dhisi rabto soohdinta, waxaan aaminsan-nahay inaysan waxba ka tari doonin sugidda Amniga Waddankeeda.”

Wasiirka ayaa mar kale yiri. “Darbiga dowladda Kenya ay ka dhisayso xuduuudka aan la Wadaagno wuxuu abuuri karaa dhibaatooyin, mana aha hab ama tallaabo sax ah oo looga hortagi karo weerarrada Al-shabaab.”

Ugu dambeyn, dowladda Kenya ayaa horay ugu dhawaaqday inay darbi dheer ka dhiseyo soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo xoogag ka tirsan Al-shabaab ay maalmihii u dambeysay Gudaha u galeen deegaanno hoos taga Magaalooyinka ku yaalla Xuduudda ee Mandheera iyo Gaarisa.

Si kastaba ha ahaatee, Hadalka Wasiirka Amniga Gudaha Somalia ayaa imaanaya iyadoo xildhibaanno ka mid ah kuwa baarlamaanka Somalia ay ka digeen in darbigaas ay dhisto Kenya, iyagoo ku tilmaamay inuu kala qaybinayo Soomaalida ku nool gudaha Somalia iyo Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya