4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2015
SAWIRRO: Madaxweynaha Puntland oo Dhagax-Dhigay Dhismaha Wasaarada Arrimaha Gudaha


Arbaco, Juun 03, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garowe ku dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelan doonto wasaaradda arimaha gudaha Puntland, taasoo loogu tala-galay in ay xarun dhexe u noqoto howlaha wasaaraddaas.

Madaxda wasaaradda arimaha gudaha iyo qaar kamid ah golayaasha dowladda ayaa ka soo qayb-galay munaasbadda dhagax-dhigga ,waxaana dhismaha mashruucan maal-galinaysa hay’addda DAI oo in mudo ah  ka howl-galaysay gudaha Puntland.

“Runtii intii aanu joognay wasaarado badan ayaa hoy wanaagsan oo ay ku shaqeeyaan helay, waxaana kamid ah wasaaradda warfaafinta, wasaaradda duulista hawada iyo, wasaaradda ganacsiga, hadana waxaan rajaynaynaa in wasaarado kale ay helaan iyana,“ ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlay wariyayaasha dhagax-dhigga ka dib.

“Haykalka dawladnimo kama soo harto dadka shaqada haya iyo waxa ay ku shaqaynayaan oo deegaanku ugu horeeyo, marka waa muhiim inaan isku filaansho gaarno oo dhammaan hay’adaha dawliga ah helaan meelo munaasib ah oo ay ku shaqeeyan,“ ayuu mar kale yiri madaxweynaha.

Agaasimaha wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Cali Faaarax oo isna goobta ka hadlay ayaa u mahad-celiyay hay’adda mashruucan fulinaysa, waxaana uu sheegay in dhismahan marka la soo gaba-gabeeyo ay ku shaqayn doonaan.

Ugu danbayn,gudoomiyaha degmada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi ayaa isna sheegay in ay wax ka bixiyeen lacagta lagu dhisayo xaruntan ,waxaana uu ku baaqay in laga wada qayb-qaato horumarinta xarumaha dowladda ee Garowe.

Faysal Mohamed Hassan
Boston@!hiiraan.com