4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2015
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo kasoo horjeestay Darbiga ay Kenya Dhisayso

Arbaco, Juun 03, 2015 (HOL) — Tiro Xildhibaanno ah oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa kasoo horjeestay darbiga ay doonayso Kenya inay ka dhisto soohdinta ay la wadaagto Somalia, kaasoo ay xukuumadda Kenya ay sheegtay inay uga hortegi doonto weerarrada ka imaanaya Al-shabaab.

Xildhibaannada BFS ayaa xusay in dabigan ay Kenya dhisayso uu Xad-gudub ku yahay is-Raac-sanaanta dhulka Soomaaliya, isla markaana uusan u noqon karin Kenya mid ay kaga badbaaddo weerarrada dalkeeda ka dhacaya.

Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa inay dhisto darbi dhirirkiisu yahay 440 Mayl oo ku teedsan xadka ay la wadaagto Somalia, iyadoo go’aanka ay ku dhisayso darbiga uu yimid kaddib markii mowjado weerarro ah ay dalkeeda ka geysatay Al-shabaab.

Sidoo kale, darbigan oo Kenya ay sheegtay inay ka billaabayso Badweynta Hindiya ayaa la gaarsiin doonaa halka ay xadka kala leedahay Itoobiya, iyagoo lagu xirayo Kaamirooyinka lagula socdo dhaqdhaqaaqyada, taasoo xukuumaddu ay sheegtay in uu fududeyn doono in laga hortago weerarrada lagu soo qaadayo dalkooda.

“Innagoo ka tirsan urur-goboleedka bariga Afrika ee IGAD waxaan weydiisanaynaa Kenya inay dib uga laabato qorshaha ay ku doonayso inay darbiga ku dhisto, ayna amaankeeda ku ilaaliso Ciidamadeeda,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ka tirsan .

Xildhibaanku wuxuu hadalkiisa raaciyay. “Darbigaan waa mid sharci-darro ah oo ka hor-imaanaya xiriirka caalamiga ah.” Isagoo mar kale yiri. “Arrintani waa nasiib-darro weyn ah, waana mid lagu doonayo in lagu jaro xiriirka ka dhexeeya labada magaalo ee Balad-xaawo iyo Mandheera oo Soohdinta daris ka ah.”

Hadalka xildhibaannada Soomaaliya ay uga soo horjeesteen darbiga ay Kenya ka dhisayso xadka ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu guddoomiyaha gobolka Gedo ee Somalia Yaasiin Barre Xasan uu sheegay in Kenya ay gudaha u soo gashay 10-km dhulka Somalia, halkaas oo ay doonayso inay darbiga ka dhisto.

Dowladda Somalia ayaa horay dacwad ka dhan ah Kenya oo ka dhalatay muran ka dhashay Xuduud-badeedka labada Waddan u dhexeeya Waxay u Gudbisay Maxkamadda QM, si ay go’aan uga gaarto muranka dhanka badda ah ee labada dal u dhexeeya.

Ugu dambeyn, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dalka Kenya, Mwenda Njoka ayaa shalay u sheegay Warbaahinta Kenya in Kenya aysan doonayn inay ku Xad-gudubto Xuduudaha dalalka dariska la ah iyo weliba dhulalkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya