4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2015
FBI-da Mareykanka oo baaris ku haysa Musuq-maasuq looga shaki Qabo Joseph Sepp Blatter


Arbaco, Juun 03, 2015 (HOL) — Madaxa ugu sarreeya xiririka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA, Sepp Blatter ayaa Xafiiskiisa u shaqo-tagay maanta, kaddib markii uu Shalay ku dhawaaqay inuu xilka madaxweynenimo ee xiriirka iska casilay.

Madaxweynaha FIFA ayaa Saraakiisha Dalka Mareykanka ay Baarayaan sida uu ugu Lug lahaa Musuq-maasuqa lagu eedeeyay Hay’adda sida ay Warbaahinta dalka Mareykanka ku warameen.

Warkan ayaa yimid saacado kaddib markii uu ku dhawaaqay inuu is-casilay, isagoo xusyay in uu xilka ku Wareejinayo Mas’uulka lasoo doorto, iyadoo Baaristan ay ku Lug leedahay eedeymo loo xir-xiray toddoba xubnood oo xiriirka ka tirsan.

Dacwad-oogayaasha dowladda Mareykanka ayaa toddobaadkii hore billaabay dembi baaris ay ku sameynayaan toddoba xubnood oo xiriirka FIFA ka tirsan oo lagu hoteello ku yaalla magaalada Zurich ee dalka Switzerland.

Xariga mas’uuliyiintan ayaa wuxuu dhacay laba casho ka hor markii mar shanaad xilka loo doortay Blatter, isagoo sheegay in guushiisa aysan soo dhaweyn xubno badan oo ka tirsan xiriirka FIFA oo ay ugu horreeya kuwa Qaaradda Yurub.

Blatter ayaa intaas ku daray in FIFA ay u baahan tahay dib u habeyn qoto dheer, wuxuuna ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Zurich inuusan awoodin in uu xiriirka isbedel ku sameeyo, sidaas awgeedna uu is-casilayo.

Saraakiil Mareykan ah ayaa u Sheegay Wargeyska The New York Times inay Filaayaan in ay wada-shaqeyn ka helaan xubnaha sar-sare ee FIFA si ay u baaraan Musuq-maasuqa  iyo wax-is-dabamarinta lacageed si ay dacwad ugu oogaan Sepp Blatter.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay Haweeneyda Madaxa ka ah Waaxda Dacwad-oogista ee Mareykanka waxay FIFA ku sheegtay inay Dhex-muquuranayso Musuq-maasuq fog, balse Loretta Lynch si toos ah uma soo hadal-qaadin Sepp Blatter.

Sidoo kale, Lynch ma aysan sheegin in tani ay tahay billowga baaritaanka ama dhamaadka. Waxayse ku baaqday in FIFA cusub la bilaabo. Iyadoo FBI-da ay Mareykanka billowday inay baaritaanno dheeraad ah ku sameynayso xiriirka FIFA.

Waaxda Cadaaladda ee Mareykanka waxay hadda Baaritaan ku wadaan 14-ruux oo lagu eedeeyay inay lunsadeen lacag lagu qiyaasay 150-milyan oo doollar, 24 sano gudahood.

Dhanka kale, Laba Madaxweyne ku xigeen ee FIFA ayaa ka mid ah Toddobada ruux  ee xiriirka FIFA ka tirsan ee lagu xiray magaalada Zurich ee dalka Switzerland. Kuwaas oo dhammaantood sugaya in Mareykanka uu dacwad kusoo oogo.

Ugu dambeyn, eedeymahan ayaan ka hor-joogsan Sepp Blatter in mar shanaad loo doorto xilka Madaxweynenimo ee Xiriirka FIFA, inkastoo Shalay uu ku Dhawaaqay in uu Xilka iska-casilay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya