4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2015
Danjire Nicholas Kay oo soo dhaweyay Billowga Wejiga Labaad ee Shirk ka socda Cadaado

Arbaco, Juun 03, 2015 (HOL) — Ergeyga QM ee Somalia, Danjire Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay Furitaanka Wejiga Labaad ee Shirka maamul lagu Dhisayo ee Haatan ka socda magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Xubnaha shirka ka Qayb-galay ayaa soo xuli doona baarlamaanka KMG ah ee uu yeelan doono maamulka Gobollada Dhexe, sidoo klaena waxaa lagu ansixin doonaa dastuurka maamlukaas uu yeelanayo.

Danjire Kay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo sida waxtarka leh ee shacabka ku nool Gobollada Dhexe ay uga qayb-galeen geedi-socodka, wuxuuna bulshadaas ku amaanay sida ay uga go’an tahay inay Qaddariyaan nidaamka lagu gaarayo nabad iyo xasillooni.

“Waxaan rajeynayaa in dadaalka iyo go’aanka ay wada-gaareen dhammaan xubnaha ka qayb-galaya shirka ay u suuro-gelin doonto Shirka Cadaado inuu ku dhamaado guul. Waxaan ku boorinayaa dadka Gobollada Dhexe inay dhistaan maamulkooda cusub iyagoo ixtiraamaayo hannaanka dib-u-heshiisiinta, isku-tanaasulka iyo si wadajir wax u qabsiga. gaar ahaan waa in haweenka, dadka laga tirada badan yahay iyo dhalinyarada ay ka qayb-qaataan shirka,” ayuu yiri Kay.

Waxaa heshiiska lagu dhisayo maamulkan lagu saxiixay Muqdisho 30-kii July 2014-kii, halkaasoo dhammaan dhinacyadii arrintu khuseysay ku wada go’aansadeen inay wada-sameystaan maamul loo wada dhan yahay.

Ugu dambeyn, danjire Key ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay taariikhdaas, Shacabka Gobollada Dhexe waxay u howl-galeen sidii lagu heli lahaa dib-u-heshiisiin iyo geedi-socod siyaasadeed oo lagu dhisayo maamul KMG ah. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya