4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2015
UHURU KENYATTA: Ururka Al-shabaab Waa Khatarta iyo Cadowga ugu weyn ee Dalkeennu Leeyahay


Arbaco, Juun 03, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Waddanka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa si cad u sheegay in Al-shabaab iyo kooxaha kale ee Argagaxisada ah ay khatar aad u weyn ku hayaan Kenya, isagoo xusay in xukuumaddiisu Dagaalka ay Kooxahaas kula jirto ay u dajisay siyaasad cusub.

Uhuru Kenyatta ayaa xusay in arrinta ugu weyn ee ay ka hortagayaan ay tahay in kooxaha argagaxisada ah ay dagaalyahanno ka qortaan gudaha Kenya, taasoo uu ku sheegay inay tahay furaha ay u adeegsan doonaan ka hortaggan Argagaxisada.

“Waa inaan ogaannaa in cadowgu ay hab cusub u adeegsanayaan weerarrada ay dalkeenna kusoo qaadayaan; kaasoo aan looga hortegi karin habka ay hadda u shaqeeyaan hay’adaha amniga,” ayuu Uhuru Kenyatta ka sheegay munaasabaddii loogu dabaal-dagayay maalintii xukunka daaqiliga ahaa ee Kenya.

Sidoo kale, Kenyatta ayaa intaas ku daray. “Waxaa nagu dhex-jira dhallinyaro aad u badan oo la shaqeeya argagaxisada, kuwaasoo u muuqda inay yihiin kuwo dambi la’aan ah; kuwaasoo doonaya inay Shacabka Kenya ka dhex-abuuraan Colaado ku saleysan diimo.”

Madaxweynaha Kenya ayaa hadalkiisa ku sheegay in cadowga ugu weyn ee Kenya ay leedahay ay yihiin dhallinyarada ay kooxaha Argagaxisadu ahi qorteen oo noola muuqda inay yihiin dambi laawayaal, balse diyaar u ah inay is-dilaan ayna si cad u kala qaybiyaan shacabka si dalku u burburo.

“Waa inaanu ka hortagnaa kooxaa cadowga nagu ah. Waa inaanu kordhinnaa hababkeenna iyo qorshayaasheenna aan uga hortagayno, waayo daweynta waxaa ka wanaagsan ka hor-tagga. Taasna sababta aan ku doonayno inaan ka hortago in dhallinyaradeenna askar ahaan ay u qortaan kooxaha dambiilayaasha ah, mana sameyn karno midaas innagoo aan wada-shaqeyn la yeelan waaliddiinta, mas’uuliyiinta iyo mashaa’ikhda diimaha,” ayuu hadalkiisa ku daray Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay inay hay’adaha ammaanka si wanaagsan u qalabeyn doonaan si ay dhaqso uga Jawaabaan dambiyada, balse Dagaalka aan kula jirno kooxaha argagaxisada ayaa ah midka ugu weyn ee maamulkeygu la tacaalayo.

Kenyatta wuxuu hadalkiisa ku daray in dowladdiisu ay xoojinayso hay’adaha kala duwan ee amniga, sida booliiska, nabad-sugidda iyo waaxda baarista dambiyada, qorshahaasoo ah mid lagu doonayo in lagu yareeyo dambiyada gudaha Kenya ka dhaca.

XAG-JIREYNTA DHALLINYARADA; Uhuru Kenyatta ayaa xusay in si ay uga hortagno barnaamijka lagu xag-jireynayno dhallinyarada Kenya ay wada-shaqeyn uga doonayaan waaliddiinta, hay’adaha ka shaqeeya arrimaha diimaha, bulshada rayidka ah, macallimiinta iyo mas’uuliyiinta Bulshada.

“Wadajir, waa inaanu uga wada-shaqeynnaa sidii aan uga hortegi lahayn cadowga doonaya inay dhibaato noo geystaan. Cadowgu wuu dhagar badan yahay, haddiise aanan si wadajir ah u wada-shaqeyn way naga adkaanayaan,” ayuu mar kale yiri Kenyatta. Isagoo intaas ku daray. “Waan salaamayaa kuwa warbixinnada horay u soo gudbiyay, kuwaasoo muujiyay shaki ay ka qabaan inay amniga wax u dhimaan, waxaadna ka shaqeyseen baan idin oran lahaa si aad u badbaadisaan.”

Dhanka kale, Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni oo ka Qayb-galay xafladda  Madaraka ee Kenya ayaa sheegay in Kenya iyo Uganda ay si wadajir ah oo aad u dhow uga wada-shaqeyn doonaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

“Waa laga adkaaday Al-shabaab, mana awoodaan inay ka hortagaan ciidamadeena, balse waxay weerarayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, kuwaas oo aan siyaasadda ku lahayn,” ayuu yiri madaxweynaha Uganda.

Yoweri Museveni wuxuu hadalkiisa ku daray dagaalka lagula jiro Al-shabaab uu ku socdo jidkii dhamaadka, isagoo xusay in loo baahan yahay in markii qayb laga jaro ay tahay in qaybta kalena la jaro, si aysan argagaxisadu awood u yeelan inay dhib geystaan.

Madaxweynaha Kenya ayaa amniga marka laga soo tago sheegtay inay gacan bir ah ku qaban doonaan musuq-maasuqa oo uu xusay inuu yahay qorshihii ay markii la dooranayay xilka u ballan-qaadeen shacabkooda inay wax ka qaban doonaan.

“Khatarta ugu weyn ee Jamhuuriyaddeenna haysata maanta waa in tiro badan oo ka mid ah mas’uuliyiinteenna ay tusaale u noqdeen habacsanaan iyo musuqmaasuq joogto ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Uhuru Kenyatta.

Isagoo intaas ku daray. “Waxaan qof walba oo Keenyaan ah ugu baaqayaa ama ha ahaado ganacsade ama bulshada qaybaheeda kale ha ku jiree, waa inaad si aad ah uga fogaataan dhaqanka foosha xun ee laaluushka, musuq-maasuqa iyo wax walba oo ka hor-imaanaya danaha guud ee shacabka.”

Uhuru wuxuu ballan-qaaday in maamulkiisu uu ku dhaqmi doono isla-xisaabtan iyo in la xaqiijiyo eedeymaha la xiriira musuq-maasuqa ee lagu eedeeyay qaar ka mid ah mas’uuli-yiinta xukuuumadda, kuwaasoo uu xusay in daba-gal lagu hayo.

“Waxaanu Doonaynaa inaan Balaayiin lacag ah ku Maal-gelinno Horumarinta Dalka oo ay ku jiraan horumarinta dhanka shaqooyinka iyo wax walba oo dani ay ugu jirto shacabkeena si aan uga dhabeyno ballan-qaadyadii aan horay u sameynay,” ayuu ku daray hadalkiisa ku yiri Kenyatta.

Ugu dambeyn, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dagaalka ay musuq-maasuqa kula jiraan iyo soo celinta sharafta dalka ay u marayaan saddex waddo oo kala ah: In lala xisaabtamo cid walba oo lagu soo eedeeyay musuqmaasuq, inaan kor u qaadno feejignaanta looga hortago musuq-maasuqa iyo inaan dhisno guddi gaar ah oo ka hor-tegi doonaya laaluushka IWM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya