4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 2 , 2015
Gudiga qorista dastuurka Jubbaland oo soo gabagabeeyay kulamo ay la lahaayeen bulshada


Talaado, Juun 02, 2015 (HOL) —Gudiga loo xilsaaray soo qorista dastuurka uu yeelan doono maamulka Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeeyay kulamo ay la lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo, kuwaasoo looga doodayay arimo la xiriira dastuurka.

Kulamadan oo soo biloowday shalay ayaa waxaa looga doodayay arimo ku saabsan dastuurka, iyadoo bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo ay aragtiyo kala duwan ka dhiibteen arimaha dastuurka.

Afhayeenka odoyaasha dhaqanka Jubooyinka Ugaas Cumar Xiireey oo warbaahinta la hadlay kadib markii ay soo dhamaadeen kulamada ayaa sheegay in mudadii ay kulamada socdeen laga dooday arimaha dastuurka iyo muhiimadda uu dastuurku u leeyahay bulshada.

Ugaas Xiireey ayaa sheegay in qeybihii bulshada ee ka qeybqaatay kulanka ay dhammaantood isku raaceen sida ay muhiim u tahay in la helo dastuurka, isagoo xusay in gudiga ay sii wadi doonaan kulamada iyo tashiyada ay la yeelanayaa qeybaha bulshada ku dhaqan Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.