4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 2 , 2015
Sepp Blatter oo Iska casilay Hogaaminta Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA (DAAWO)


Talaado, Juun 02, 2015 (HOL) — Madaxweyaha xiriirka kubada cagta Adduunka ee FIFA, Sepp Blatter ayaa iska casilay hoggaaminta xiriirka, kaddib markii toddobaadkii aynu soo dhaafay loo doortay madaxweynenimada xirirka FIFA markiisii Shanaad, isagoo helay 133 cod, halka murashaxii la tartamayay Ali Bin Al-Hussein uu isna helay 73 cod oo kelliya.

Blatter ayaa sheegay in la Qaban doono Kulan lagu soo dooran doono Mas’uulkii Xilka ka bedeli lahaa, inkastoo uusan si cad u sheegin Xilliga Doorashadaasi dhicayso; balse wuxuu sheegay in doorashada ay dhici doonto Afarta bilood ee soo socota gudahood ka hor Shirka Calaamiga ah ee FIFA oo la qaban doono Bishay May ee Sannadka 2016-ka.

“Waxaan filayaa in doorasho la qaban doono inta u dhexeysa bisha December ee Sanadkan illaa Bisha Maarso 2016-ka,” ayuu yiri 79-jirkan oo la doortay Jimcihii aynu soo dhaafnay, waxaana is-casilaaddiisa lala xiriiriyay fadeexadaha musuq-maasuq ee lasoo gudboonaatay xiriirka.

Sepp Blatter oo Maanta Shir jaraa’id ku Qabtay Magaalada Zurich ee Xarunta Switzerland ayaa hoosta ka xariiqay in dib u habeynta uu doonayay inuu ku sameeyo Xiirirka aanay ku filnayn sannadha uu xilka haynayo, sidaas awgeedna uu go’aansaday inuu is-casilo.

DAAWO: SHIRKII JARAA'ID EE UU ISKU CASILAADDA SEPP BLLATER;
“Waan dareensanahay inaan ku khasbanaa inaan Tartanka dib la iigu soo doortay ka qayb-galo. Anigoo rumeysanahay in taasi ahayd mid u wanaagsan FIFA. Hadda way doorashadii way dhammaatay, laakiinse Howlaha FIFA waa kuwo sii soconaya. FIFA waxay u baahan tahay dib u habeyn qoto-dheer,” ayuu mar kale yiri Blatter.

Isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray. “Weli waxaan ka mid ahay Xubnaha FIFA, mana aaminsani in is-casilaadeydan ay la micno tahay inaan ka tagay xiriirka oo dhan. Waxaana la mid tahay taageerayaasha, cayaartoyda, kooxaha iyo dadka aadka u jecel kubadda cagta, dhammaanteen ayaana dhisnay FIFA.”

Guddoomiyaha xiriirka UEFA ee Qaaradda Yurub, Michel Platini oo kasoo Hor-jeeday in dib loo doorto Sepp Blatter ayaa toddobaadkii hore ugu baaqay Bllater inuu doorashada ka haro oo uu is-casilo kaddib Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Zurich. Balse Blatter ayaa kaga jawaabay baaqaas in ka qaybgalkiisa doorashada ay tahay go’aan geesinimo iyo mid uu xaq u leeyahay.

Sidoo kale, Sepp Blatter ayaa Xilka Madaxnimo ee FIFA sii hayn doona illaa inta laga soo doorto Madaxweynaha Cusub ee bedelaya. Iyadoo Wararka la helayo ay Sheegayaan in ay doorashada cusub ee FIFA ka dhaci doonto Magaalada Mexico City 13-ka bisha Maarso ee Sannadka soo socda - 2016-ka.

“Waxaan ka digayaa inuu dib u dhac ku yimaado doorashada madaxweynaha xilka aan ku wareejin doono, Waxaana ku boorrinayaa Guddiga Fulinta FIFA inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku Qaban-qaabiyaan kulan aan caadi ahayn oo Doorasho si aan u Wareejiyo Xilka,” ayuu hadalkiisa ku daray Sepp Blatter oo sheegay inuu xilka inta ay doorasho dhacayso uu sii hayn doono.

Ugu dabmeyn, Sepp Blatter wuxuu sheegay inuusan isagu ahayn murashax xilka u tartami doona. Isagoo xusay inuu ku boorrinayo mas’uulka lasoo doorto inuu halka ay joogto kasii wado horumarinta xiriirka FIFA, dib u habeynteeda, isagoo xusay in ay adag tahay in dib u habeyn lagu sameeyo maamulka, balse afarta sano ay tahay inay xoogga saaraan hagaajinta howlaha xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.  

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya