4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 2 , 2015
Taliye ku xigeenkii saldhigga Booliiska Baydhabo oo toogasho lagu dilay Gelinkii dambe ee Maanta


Talaado, Juun 02, 2015 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa lagu dilay gellinkii dambe ee maanta taliye ku-xigeenka saldhiga booliiska degmada Baydhabo, Caliyow Salaad.

Dilkan ayaa waxaa geystay nin ku hubeysanaa bistoolada, kaasoo isla goobta uu ku geystay dilka taliye ku xigeenka lagu toogtay. Iyadoo goobta dilalkaAni ka dhaceen ay ahayd meel ku dhow Saldhigga Booliiska Baydhabo oo ku yaalla Agagaarka Afar-irdoodka Baydhabo.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa Waxaa Degmada Baydhabo lagu dilay dad badan oo isugu jiray; Nabad-doonno ,Culummaa’uddiin, warye iyo waxgarad kale, iyadoo amniga magaalada uu si aad ah u sii xumaanayo.

Toogashada taliye ku xigeenka booliiska degmada Baydhabo maanta lagu dilay ayaa kusoo beegmaysa iyadoo uu socdo Qorshe lagu bedelayo maamulka heer gobolk iyo heer degmo ee hadda jira, iyadoo howshan ay wadaan mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ciidammo ka tirsan Booliiska iyo Millateriga ku sugan Gobolka Bay ayaa Gaaray Goobta uu Dilku ka dhacay, iyadoo uu weli yaallo Maydka Ruuxii geystay Dilka Taliye ku Xigeenka geystay ee isagiina la dilay.

Hiiraan Online, Baydhabo