4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 2 , 2015
HADLIYE: OIC Waxay Ogolaatay in Taageerada ay siiyaan Somalia ay Noqoto mid Toos ah


Talaado, Juun 02, 2015 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaam Cumar Hadliye ka Qayb-galay kulankii Wasiirrada arrimaha dibadda ee Ururka Iskaashiga dalalka Islaamiga ee OIC, wareegiisii 42,aad oo ka dhacay Kuwait ayaa sheegay in shirkaas Guulo wax ku ool ah ay kasoo hoyday Dowladda Soomaaliya.

Hadliye oo Shir jaraa’id ku qabtay maanta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kaddib markii uu dalka kusoo laabtay ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay si diiradda saartay Arrimaha kala ah:

1. Xoojinta iyo Mideynta Ciidanka Xoogga Somalia, taageero ballaaranna loo fidiyo.

2. In dowladda Somalia ay kaga guuleysatay Al-shabaab dhinaca Millateriga, loona baahan yahay taageerida dhisidda iyo qalabeynta ciidamada Somalia oo xoog leh.

3. In la Maal-gashado Dalka, lana soo saaro kheyraadka Badda iyo Berriga Dhex-ceegaaga, si loo Abuuro fursado Shaqo oo Suuro-gelin karta in Saboolnimada jirta lala dagaalamo iyo Colaadaha la yareeyo.

4. Hiigsiga 2016 oo ah Qorshe loogu Saldhigayo Awoodda Dowladda hab nidaam Federaal ah, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Somalia ay ku howlan yihiin Hir-gelinta Hiigsigan; iyagoo kaashanaya hey’adaha kala duwan ee Dowladda.

Sidoo kale, Wasiir Hadliye ayaa intaasi ku daray in Dowladda Somalia ay Noqotay Midda keliya ee wiiqday awoodda kooxaha aragagaxisada, kana sifeysay dalka intiisa badan.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa Xusay in Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ururka OIC ay isku raaceen in Soomaaliya laga Taageero dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Maal-gashiga iyo xoojinta awoodda ciidamadeeda.

 “OIC waxay Ogolaatay in taageerada loo fidiyo Somalia ay noqoto mid toos ah oo aan loo marin hay’ado ama ururro, lagu-lana xisaabtamo qaabka loo maareeyo deeqaha lacageed,” ayuu Wasiir Hadliye kusoo Gunaanaday Shirkiisa Jaraa’id.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya