4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 2 , 2015
Khilaaf ka taagan buurta Macdanta laga qodo ee Samoodi & cuqaal lagu Xiray Degmada Boorama

Talaado, Juun 02, 2015 (HOL) — Illaa labaataneeyo ka mid ah odayaasha deegaanka Baki ee Gobolka Awdal ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii khilaaf soo dhex-galay iyaga iyo wasaaradda Macdanta Somaliland.

Odayaashan ayaa si weyn uga cowday shirkadda Shiine ah oo wasaaradda Macdanta iyo Tamartu heshiish la gashay sidii ay macdan uga baadhi lahayd Buurta Siimooddi ee deegaanka Baki.

Suldaan Ibraaahim Riiraash oo ka mid ah madax dhaqameedk degmadda Baki ee gobolka Awdal ayaa sheegay in odayaashii deegaanka la xidhay, isla markaana dadkii macdanta ka baadhan jirayna loo diiday inay Buurta Siimooddi yimaadan.

''Waxaan halkan kaga hadlayaa xaalad adag oo soo foodsartay dadka deggen oo Buurta Siimoodi. Sida laga wada warqabo waxaa buurta Siimoda jooga Qola Chines ah oo ay wasaarada Macdanta Somaliland Heshiish lagashay in ay qodo buurtaasi, arintaasi ayaa keentay khilaafkan maanta ka taagan buurta siimoodi”ayuu yidhi Suldaan Riiraash oo ka hadlayey khilaafka u dhexeeya dadka deeganka iyo Shirkadda Shiinaha ah.

Waxaanu intaas ku daray “Waxaa dhacday in ay yimaadeen ninman Shiineys ah maalin dhawayd buurta ayna ku amreen dadkii daganaa ee qodanayay buurta in ay ka guuraan, waxayna u sheegeen dadkii qodanayay ee quutal duruurigoodu ku xidhnaa in ayna habayaratee ayna rabin qof in uu u shaqeeyo ee uu keensanayo dad uga shaqeeya. Intaas kadib,markii ay diideen dadkii daganaa buurta,wuxu dalbaday Militery, dhamaan waxgaradkii iyo Cuqaashii buurtana lagu soo xidhay Saldhiga Boorama”.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii ay soo deegeen shirkadda Shiinaha buurta macdanta laga qoddo ee Siimooddi ayaa waxa khilaaf aan wali la xalin ka jira deegaanka, iyagoo dadka deegaankuna doonayaa in loo cadeeyo saamiga ay ku leeyihiin wax soo saarka iyo xaga caafimaadka in la hubiyo inay dhibaato ka dhalan karto qalabkan lagu baadhayo macdanta.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland