4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 2 , 2015
Madaxweynaha DF Soomaaliya oo ka Qayb-galay Caleemo-Saarka Cumar Al-bashiir lana kulmay


Talaado, Juun 02, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan kaga Qayb-galay halkaas munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne, Cumar Xasan Al Bashiir oo dib loo doortay.

Xasan Sheekh ayaa xafladda kaddib kulan la qaatay Al-Bashiir oo ay wadahadleen xiriirka labada dal, isagoo ugu hambalyeeyay madaxweynaha dalka Sudan dib u soo doorashadiisa.

Sidoo kale, labada madaxweyne ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya wadamada Somalia iyo Sudan; iyadoo intuu kulanku socday uu ballan-qaaday madaxweynaha Suudaan inuu kordhin doono tageeradda dhinacyadda kala duwan leh ee dowladdiisu ay siiso Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Sudan sida ay u garab taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed, iyadoo dowladda Sudan ay inta badan deeq waxbarasho oo jaamacadeed siiso Ardayda Soomaaliyeed ee ka baxa Dugsiyada ku yaalla Dalka.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa intii uu joogay Khartoum wuxuu kulammo kala duwan la qaatay mas’uuliyiinta xukuumadda Sudan iyo Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Dalka Suudaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya