4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 2 , 2015
Xafladda daah-furka buugga Barbaarinta Ubadka oo lagu Qabtay Minnesota (SAWIRRO+VIDEO)


Talaado, Juun 02, 2015 (HOL) — Xaflad ay kazoo Qayb-galeen Culummaa’uddiin, aqoon-yahanno, qalin-maal iyo dadweyne fara badan oo isugu jiray rag & dumar, kana kala yimid degmooyinka gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa habeenkii Khamiista ahayd ee 05/28/2015 ayaa lagu qabtay hoolka Shirarka Safari Restaurant ee magaalada Minneapolis.

Munaasabada oo lagu daah-furayay buug loogu magac daray BARBAARINTA UBADKA uuna qoray qoraa Sabriye Macallin Muuse oo hore u qoray buuggii RAAXADA GUURKA Sannadkii 2002-kii, Buuggaana waa kii labaad oo uu Sabriye Qoro.

Barnaamijka xafladda, kaddib markii lagu furay aayadaha Qur’aanka Kariimka ah waxaa Halkaasi Hadallo kala duwan oo Isugu jiray kuwo lagu ammaanayo Ammaanta Buugga iyo kuwo lagu Ammaanta qoraaga iyo baahida xilligaan ummadda Soomaaliyeed u qabto buug caynkan ah kasoo jeediyay marti sharaf ay Soomaalida Minnesota si weyn u garanayaan.

Aad baan ugu faraxsan-nahay in aan helo buug caynkan ah, waayo aniga laf-teydu waxaan ahay Aabe caruur haysta, marar fara badan baanan keligay markaan arko carruurta dhaqan-kooda iyo waxay samaynayaan, waxaan is-weydiin jiray: “Sow ma wanaagsanaan lahayn haddii aad heli lahayd buug talo ku siiya oo aad wax ka barato,” Waxaa Hadalkaas ka yiri goobta xiriiriyahii xaflada Maxamud Mas-cadde oo ka tirsan wariyaasha Idaacada VOA.

Sh. Xasan Jaamici oo isagu ah Imaamka Masjidka Dacwah St Paul, ahna Qareen ayaa ugu horreyn Caddeeyay sida uu ugu faraxsan yahay Buugga maanta hor-yaalla; isagoo yiri. “Buuggaani wuxuu ka jawaabayaa su’aalo fara badan oo waaliddiintu ay qabaan. Anigu markaan buuggaan arkay waan ku farxay, maxaa yeelay weligay intaan soo barbaaray, intaan diinta bartay & intaan imaam noqday, waxaan ku dhex-jiray carruur & dhallinyaro.”

Guddoomiyaha Ururka Dib-u-dhiska Soomaaliyeed ee saldhiggiisu yahay Rochester oo ka tirsan gobolka Minnesota, Cumar Yuusuf oo ka mid ahaa martidii munaasabadda hadallada kooban ka jeediyay ayaa xusay in barbaarintu ay ka horrayso Waxbarashada, Sabriyena uu yahay nin goostay inuu ummadda Soomaaliyeed dhaxal uga tago.

Sh. Axmed Taajir oo isna ka mid ah Culummaa'udiinka sida weyn looga yaqaan Gobolka Minnesota, gaar ahaan Magaalada Minneapolis, ahna Imaamka Masjidka Ummatul-Islaam ayaa si weyn ugu dheeraaday sharaxaada baababka kala duwan ee buuga BARBAARINTA UBADKA. Sheekha Hadalladiisa waxaa ka mid ahaa: “Dhab ahaantii Somalida waxaa lagu xaman jiray, Qqoontoodu ma yara, laakiinse Qoraalkooda ayaa yar. Afka waa laga Hadlaa. Warka waan ku fiicanahay iyo sheekada, balse waxaan naqaan, badanaa ma qorno. Marka, Buuggaani wuxuu ka Tarjumayaa Soomaalida soo baraarugaysa oo in badan oo ka  mid ahi cilmigooda inay qaab qoraal ahaan ah uga tagaan go’aansaday inuu kamid yahay.”

DAAWO: XAFLADDA DAAH-FURKA BUUGGA BARBAARINTA UBADKA;
Raaxo Warsame oo ah madaxa gudiga Jaaliyadda Isku-tagga Soomaaliyeed (Confederation of Somali Community) ee fadhigeedu yahay Minneapolis, ahna gabar Soomaaliyeed ayaa iyaduna ka mid ahayd marti-sharaftii ka hadashay xafladda daah-Furka Buugga. Raaxo oo si kal iyo lab ah uga hadlaysa sida aadka iyo aadka ah ee buuggan akhrintiisu ay iyada u soo jiidatay waxay tiri: “Hooyaday baa intay igula yaabtay sida aan buugga har iyo habeen u sito, igu tiri - Maandhey buuggan aad xitaa jikada ku akhrinaysaa muxuu ahaa, muxuuse ka hadlayaa.” Waxay Raaxo hoosta ka xarriiqday in aanay buuggan u baahnayn oo keliya ubadku, laakiinse Qof walba uu u baahan yahay, Sababta oo ah bay tiri waxaa ku urursan Aadaabtii diinta Islaamka oo meel kasta ka taabanaysa qofka bina-aadanka ah.

C/qaadir Maxamed Mursal oo ah Qoraa Soomaaliyeed iyo Wariye Ruug-caddaa ah, Beri-samaadkii iyo sannadihii sideetamaadkii ka mid ahaa weriyeyaashii barnaamijyadooda loo jecelaa, ahaana mu’alliftii Riwaayaddii Xiisaha badnayd ee sida aadka ah looga dhegeysan jiray Raadiyo Muqdisho, magaceeduna ahaa; Olol iyo Hooyadiis, ayaa ka mid ahaa dadkii lagu sharfay inay ka hadlaan madasha daah-furka buugga BARBAARINTA UBADKA. C/qaadir Maxamed Mursal oo carrabka ku adkeeyay sida buuggan oo kale ay bulshadu ugu baahnayd, wuxuu hadalkiisa ku billaabay:

“Aan ku billaabo, waxaa sharaf ii ah, kuna faraxsanahay inaan ka mid noqdo maanta dadka lagu marti-qaaday Daah-furka buuggan qiimaha badan ee Cinwaankiisu yahay Barbaarinta Ubadka ee uu qoray walaalkeen, saaxiibkay Sabriye Muuse.”

Weriye iyo qoraa C/qaadir Mursal wuxuu si aad ah ugu dheeraaday ka hadalka Soomaalida iyo inay tahay ummad hadasha waxna dhegeysata, hase yeeshee aan wax akhriyin. Wuxuu si kaftan, hoga-tusaalayn iyo uur-ku-taallo isugu jirtay uga hadlay jabkii iyo khasaarihii ka qabsaday markii isaga iyo rag weriyeyaal ah oo saaxiibbadiis ah damceen inay Magaalada Nairobi kasoo saaraan Jariidad Af-Soomaali kusoo baxda oo kumaanka kun ee Soomaalida Kenya ku nooli akhriyaan. Wuxuu xusay in cadad Afar boqol ah oo ay soo saari jireen laba boqol oo ka mid ah kusoo laaban jireen, maadaama cid iibsata la waayi jiray. Cabdulqaadir Maxamed Mursal oo aad moodday inuu hadalkiisaasi ugu digayay qoraa Sabriye Macallin Muuse, wuxuu isla markaasi ka codsaday in sheekadaas aanay niyad-jabin ee dadaadlkiisa uu halkiisa ka wado.

Macallin Siciid Saalax Axmed oo isna madasha hadal ka jeediyay ayaa caddeeyay qiimaha uu buuggani u leeyahay bulshada Soomaaliyeed. Wuxuuna yiri; “Buuggan maanta Daah-Furkiisa la isugu yimid Wuxuu ina barayaa sida ay isula Saan-qaadaan Saddexda qaab ee koritaan oo iyagoo is-barbar socda qofku uu qof ku noqdo, dadnimadiisuna ay ku muuqato, Kuwaas oo kala ah; Koritaanka Jirka, Koritaanka Caqliga iyo Koritaanka Dareenka ama Laxawga.” Isagoo intaa raaciyay “Buuggani wuxuu aad ugu tiigaalay sidii uu diin ahaan wax inoogu sheegi lahaa oo wax inoo bari lahaa.”

Dhanka kale, Sheekh Maxamed Sheekh Rashiid oo ah imaamka Masjidka Mankato Islamic Center ee magaalada Mankato oo ah halka uu qoraagu deggen yahay, kana mid ah culum-mada gacanta ka geysatay sixitaanka buuggan ayaa isna halkaasi kasoo jeediyay warbixin kooban oo ka tarjumaysa aqoonta uu u leeyahay qoraaga iyo yoolkiisa muqtaqbalka oo ah inuu doonayo inuu buugaag kale qoro kuna soo bandhigo.

Gunaanadkii Sabriye Macallin Muuse, Qoraaga buugga BARBAARINTA UBADKA ayaa munaasabadda kusoo xiray Warbixin ku Saabsan Buugga, Xilligii uu Qoristiisa Billaabay, Waxyaabihii ku dhaliyay inuu qoro buuga, halka uu ku daabacay markii ugu horraysayna ku daah-furay, Dalalka uu illaa iyo hadda Gaaray, Meelaha uu Tiigsanayo inuu goor-dhow gaaro, Farriinta uu Buuggu xambaarsan yahay iyo cidda uu la hadlayo iyo weliba tixraac-yada uu adeegsaday.

“Waxan Codsi u jeedinayaa Culummada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay iga Caawiyaan Sixidda iyo tifaftirka buuggan. Waxaanan si gaar ah ula hadlayaa culummada saacaddaas aan hadlayo aan hubo in Buuggani Gacantooda ku jiro Sida; Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil, Sheekh C/rashiid Sh. Cali Suufi, Sheekh Maxamed Cabdi Umal, Sheekh Maxamuud Shibli, Sh. Maxamed Kenyawi, Sh. Maxamuud Shariif Cali, Sh. C/raxmaan Sh. Cumar, Sh. Xasan Jaamici, Sh. C/qani Qardhaawi, Sheekh Axmed Taajir, Sh. C/raxmaan Shariif, Sh. C/rashiid Sh. Maxamed Ijaabo, Sh. Maxamed Sh. Rashiid iyo culummada kale ee diinta Islaamka laga duggaashado.”

Sabriye ayaa intaas raaciyay. “Sidoo kale wuxuu baaqani ku socdaa Aabaha Waxbarashada Soomaaliyeed Macallin Siciid Saalax Axmed, Qorayaasha Soomaaliyeed, Aqoon-yahanka, Macallimiinta, Weriyeyaasha, Indheer-garadka iyo cid kasta oo Wax khalad ah Buuggaan ku aragta ama wax u baahan in lagu daro ama laga tiro inay iisoo gudbiso inta aan la gaarin daabacaadda labaad. Waxaan ballan-qaadayaa in aanan noqon doonin Meel-ku-dheg - tiisa uun u muuqato ee taas Bedelkeeda aan Noqdo mid qaata Talo kasta iyo soo jeedin kasta oo sixidda buuga iyo hore-u-markiisa gacan ka geysan karta.”

Siyaad Siciid Saalax, Hiiraan Onilne
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA