4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 2 , 2015
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanka Toora-Toorow ee Sh/hoose


Talaado, Juun 02, 2015 (HOL) — Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay deegaanka Tooro-Toorow ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo saldhig u ahayd Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka huwanta ah ay si nabad ah kula wareegeen deegaankan oo ku yaalla duleedka fog ee degmada Qoryooley, kaddib markii ay isaga baxday xoogagii Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in Al-shabaab intii mudaba ay u ahayd Toora-Toorow saldhig ay uga duulaan deegaanada kale ee ay ciidamada dowladda Somalia ku sugan yihiin.

Al-shabaab ayaa la sheegay in degmada Sablaale kaliya ay ku hartay gacantooda, iyadoo inta badan deegaanada Shabeellada Hoose ay gacanta ku hayaan ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.

Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegayaa inay isku diyaarinayaan sidii ay duullaan ballaaran oo ku wajahan deegaannada Gobolka Shabeellada Hoose iyo kuwa kale ee dariska la ah.

Ugu dambeyn, bishii lasoo dhaafay ayay Al-shabaab Weerarro ku qaaday deegaanada Aw-dheegle iyo Mubaarak oo laba jeer oo isku xigta ay ka qabsadeen ciidamada dowladda Somalia; inkastoo ay isaga baxeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya