4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 2 , 2015
RW Cumar oo Haween Soomaali ah kula kulmay degmada Cadaado ee G/Galguduud (SAWIRRO)


Talaado, Juun 02, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa kulan balaaran xalay la qaatay Haweenka ka Qayb-galaya Shirka maamul u samaynta Gobollada Dhexe iyo Ururrada Haweenka ee Degmada Cadaado.

Sharma’arke wuxuu ku bogaadiyay haweenkii uu la kulmay kaalinta muuqata ay ku dhex leeyihiin bulshada, laga soo bilaabo ilaalinta iyo barbaarinta Qoyska illaa siyaasadda oo haweenka Soomaaliyeed ay door fir-fircoon ka qaataan nabadaynta iyo horumarka dalka.

“Waxyaalaha Xukuumadeydu mudnaanta siisay ayaa saldhig u ah inay Haweenku kaalin muuqata ka galaan siyaasada dalka lagu hogaaminayo, waxaana taas daliil u ah safiiradii ugu danbeeyey ee la magacaabay waxaa kamid ahaa laba Haween ah. Haweenku waxay ku leeyihiin xukuumadaydda saddex Wasiir oo buuxa, waxaan idinka rajaynayaa in shirkaan maanta loo fadhiyo aad ka qaadataan kaalintiin, kana heshaan xuquuqdiina, madaama aad laf dhabar u tihiin horumarka bulshada,” ayuu yiri RW Sharma’arke.

Sidoo kale, RW Somalai ay xalay illaa shalay kulammo gooni-gooni ah la lahaa beelaha iyo ergoonyinka shirka si xal looga gaaro tabashooyinka ay muujinayaan qabiilada qaar, waxaana kulamadaas ku soo idlaadeen is faham.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa Degmada Cadaado u tagay inuu furo wajiga labaad ee shirka maamul u samaynta Gobollada Dhexe, taasoo qayb ka ah dadaalka xukuumaddu ugu jirto sidii loo xaqiijin lahaa higsiga 2016-ka.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya