4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 12, 2015
Taliska AMISOM oo ka hadlay Dagaal Culus oo ay la Galeen Xoogag ka Tirsan Xarakada Al-shabaab


Jimco, Juun 12, 2015 (HOL) — War-saxaafadeed uu Caawa soo Saaray Taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in Ciidamadooda iyo kuwa Dowladda Somalia ay ka hor-tageen Weerar gaadmo ah oo xoogag ka tirsan Al-shabaab ay doonayeen inay la beegsadaan gaadiid sahay u waday Ciidamada AMISOM ee ku ugan Gobolka Bay.

AMISOM ayaa sheegay in weerarkan oo dhacay shalay ay isaga Difaaceen Ciidamadooda iyo kuwa dowladda Somalia xoogaggii Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday, iyagoo intaa ku daray inay ciidamadooda iyo kuwa dowladda joogaan halkii uu dagaalku ka dhacay.

Taliyaha Aagga Saddexaad ee AMISOM, Col. Col Yemane Gabremichael ayaa Sheegay in xoogaggii Al-shabaab ay isku dayeen inay kolonyo gaadiid ah oo sahay u waday AMISOM ku Weeraraan inta u dhexeysa Leego ee Gobolka Shabeellada Hoose iyo Magaalada Buur-hakaba oo ka tirsan Gobolka Bay, balse ay iska celiyeen.

“Markii la Wiiqay Awoodda Kooxaha Nabadda kasoo Hor-jeeda, ayay billaabeen inay soo Qaadaan Weerarro layaab leh. Haatanna waxay Awoodi Waayeen inay Gaadiidka Sahayda waday boobaan,” ayuu yiri Col. Yemane.

Isagoo sii hadlayay ayuu mar kale yiri. “Tallaabadan waa mid ay Al-shabaab ku doonaysay inay ku Carqaladeyso Guulaha Amni ee ay ku tallaabsadeen Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM. Waana mid ay cabsi ku gelinayaan Shacabka Soomaaliyeed, Laakiin kuma guuleysanayaan middaas.”

Ugu dambeyn, War-saxaafadeedka Taliska AMISOM ayaa lagu Xusay in Dagaalkan uu ka dhacay Deegaan Qiyaastii 150-km Waqooyi-galbeed kaga Aaddan Caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee, War-saxaafadeedka AMISOM ay kaga Hadashay Dagaalka ayaan lagu soo Hadal- qaadin Khasaaraha soo gaartay Dagaalkaan Ciidamadooda iyo kan ay geysteen, iyadoo lagu soo beegay xilli ay Al-shabaab sheegtay inay tobaneeyo Askarta AMISOM ah ku dileen dagaalka ayna ku gubeen qaar ka mid ah gaadiidkii kolonyada ahaa ee a wateen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya