4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 12, 2015
Muwaadin Soomaaliyeed oo loo Xiray Afduub Wariyeyaal Ajnabi ah loogu Geystay Muqdisho


Jimco, Juun 12, 2015 (HOL) — Booliiska Magaalada Ottawa ee Dalka Canada ayaa Xiray Khamiistii shalay ahayd Ruux Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa Afduubkii Sannadkii 2008 Muqdisho loogu geystay laba wariye oo ay ku jirtay Suxufiyad u dhalatay dalka Canada.

Soomaaliga la xiray oo lagu magacaabo, Cali Cumar Adeer ayaa waxaa loo haystaa inuu qayb ku lahaa afduubkii Amanda Lindhout oo u dhalatay Canada iyo Sawir-qaade ay isla shaqeynayeen oo lagu magacaabo, Nigel Brennan una dhashay dalka Asutralia.

“Adeer wuxuu ahaa qofkii waday Wadahadalladii Madaxfurashada lacageed lagu siiyay kooxihii haystay Lindhout iyo Brennan, tallaabadaas oo ah mid sharciga dalka Canada ka horimaanaysa,” ayuu yiri Kaaliyaha Taliyaha Booliiska dalka Canada, James Malizia.

Labadaan suxufi ayaa la sii daayay November ee Sannadkii 2009-kii, kaddib markii laga Qaatay Lacag madax-furasho ahayd oo gaaraysay 700,0000 oo doollar, sida ay sheegeen kooxihii Afduubka u haystay iyo Wariyeyaasha sii-dayntooda kaddib.

“Baaritaanka lagu soo xiray Adeer wuxuu socday muddo toddoba sano ah, waxaana iska kaashaday ciidamada ka hortagga dambiyada Canada iyo booliiska Australia,” ayuu mar kale yiri James Malizia oo wariyeyaasha kula hadlayay Ottawa Jimcaha maanta ah.

Suxufiyadda Reer Canada ayaa sheegtay in kooxaha Afduubka ku haystay ay hal sano oo xiriir ah ku hayeen dhibaatooyin, kuwaasoo ay ka mid yihiin, jiridil, kufsi iyo ciqaab kale, iyadoo sababta Dhibaatooyinkaas loogu geysanayayna ku sheegtay inay ahayd in Madax-furasho laga bixiyo.

“Waxaa i af-duubtay Wiilal dhallinyaro ah, kuwaasoo Ciqaab Adag ii geystay… Waxaana waxaan aad ula yaabi jiray inay mar walba i garaaci jiray, kufsina igula kici jiray,” ayay tiri Amanda Lindhout oo saxaafadda la hadashay markii ay dalkeeda ku laabatay.

Cali Cumar Adeer ayaa la hor-geyn doonaa Maxkamadda Federaalka dalka Canada si wax looga weydiiyo dambiga lagu eedeeyay ee ah inuu ku lug ahaa Afduubkii labada wariye ee Lindhouth iyo Brennan, xilli ay doonayeen inay warbixinno kasoo tabiyaan dhibaatadii ka jirtay Soomaaliya.

“Xariga Adeer waa tallaabo wanaagsan oo laga soo hoyay baaritaannadii sannadaha badan socday… waxaan Rajeynayaa in kooxda Baaritaankaan waday Hawsha ay Qabteen Mahad looga celiyo,” ayuu hadalkiisa ku daray Malizia.

Ugu dambeyn, Adeer ayaa noqonaya kii ugu Horreeyay oo loo xiro Afduubkii Wariyeyaal Ajnabi ah loogu geystay gudaha Somalia sannadihii lasoo dhaafay; inkastoo aanay caddeyn tallaabada ay xukuumadda Canada ka Qaadan doonto haddii uu dambiga lagu eedeeyay ku cadaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya