4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 12, 2015
Dowladda Kenya oo shaacisay in sanadkan ay 100-kun oo Qoxooti ah dib ugu celinayso Somalia


Jimco, Juun 12, 2015 (HOL) — Saraakiil u Hadlay Dowladda Kenya ayaa Shaaciyay in ay Xukuumadda Kenya Qorsheyneyso inay Somalia ku celiso illaa 100,000 oo qof oo ka mid ah Qoxooti Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda dhammaadka sannadkan.

Tallaabadan ayay Saraakiishani ku sheegeen inay Qayb ka tahay isku-dayga Kenya ay ku dooneyso inay ku Xirto Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab oo ay ku jiraan Qooxoti ku badan Nus-malyuun Qof oo Soomaali u badan.

Qoxooti ka badan 1,000 qof oo Soomaali ah ayay Kenya dib ugu soo celisay dalka Somalia tan iyo Sanadkii 2013 oo la saxiixay heshiiska dib u celinta Qoxootiga ee ay qayb ka yihiin Somalia iyo hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR.

Dadkan Qoxootiga ah ayaa dib loogu celiyay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka iyo Bay, iyadoo illaa hadda ay socdaan qoxootiga sida iskood ah dib uga soo laabanaya Kenya ee soo aadaya dalkooda Soomaaliya.

Xukuumadda Kenya ayaa Qoxootiga Soomaalida ah ee ku jira Dhadhaab Marar badan ku eedeysay inay gabbaad u yihiin Xoogagga Al-shabaab ee dalkeeda weerarka ka geysanaya, iyadoo sheegtay inay xirayso xeryahan.

Sidoo kale, Hay’adda UNCHR ayaa Shaacisay inay Dhimayso Raashinka ay siiso Dadka Qoxootiga ah ee ku jira Xeryaha Dhadhaab Kenya, inkastoo hay’addu ay dhowr jeer ooh ore ka digtay in si khasab ah Dalkooda loogu celiyo Qoxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab.

Hadalkan Dowladda Kenya kasoo yeeray ayaa kusoo beegmaya xilli dalka Yemen laga soo Daad-gureynayo 300,000 oo Qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo ay ku qabsadeen dalkaas colaado u dhexeeya mucaaradka xuuthiyiin iyo ciidanka awoodda yar ee dowladda Yemen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya