4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 12, 2015
AMISOM iyo Al-shabaab oo Dagaallo Xoogan ay ku Dhex-marayaan Meel ku Dhow Buur-hakaba


Jimco, Juun 12, 2015 (HOL) — Dagaallo culus oo billowday Shalay illaa maantana Socda ayaa ciidamada AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhex-maraya duleedka degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay, iyadoo Al-shabaab ay guulo ka sheegatay dagaalladan.

Iska-horimaadkan oo ah mid xooggan ayaa ka dhacaya deegaanka Jameeco oo qiyaastii 20-KM dhinaca Bari ka xigta degmada Buurhabaka ee gobolka Bay, iyadoo saraakiil u hadlay Al-shabaab ay sheegeen in dagaalka ay ku dileen tobaneeyo AMISOM ka tisran, ayna ku gubeen gaadiid dagaal.

Sidoo kale, saraakiisha Al-shabaab ayaa xusay in dagaalka uu weli ka socdo meeshii uu ka billowday shalay, iyadoo aan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalkan.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka lagu dagaalamayo aya Warbaahinta u sheegay inay tan iyo shalay maqlayeen Hubka noocyadii kala duwan , welina Dagaalladu ka socdaan Halka lagu magacabo Jameeco.

“Dagaalku waa mid culus… hubka nocoyadii kala duwan ayaana weli laga maqlayaa halka uu dagaalku ka socdo oo ah Jameeco… ma sheegi karo khasaaraha ka dhashay dagaalka… balse waxaan maqlay inay ku dhinteen dhinacyada dagaalku u dhexeeyo,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool deegaan ku dhow Jameeco.

Ciidamada AMISOM ayaan weli Dagaalladan ka Hadlin, iyadoo aysan ahayn Markii ugu horreysay oo ay xoogagga Al-shabaab iyo AMISOM ku dagaalamaan Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya