4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 12, 2015
Ganacsato Soomaaliyeed oo Kaga Guuleysatay Dacwad kaniisad ku Taalla Dalka Mareykanka


Jimco, Juun 12, 2015 (HOL) — Kaniisadda Megachurch ayaa Tallaadadii lasoo dhaafay ku guul-daraysatay isku day ahaa in ay meesha ka saarto goobo ganacsiyo oo ay lahayeen dad Soomaali ah, kuwaasoo qaarkood magaalada Amarillo ee Taxas ku yimid Qaxooti ahaan waqti badan ka hor.

Waxaa kanisadan ay doonaysay in Soomaalida ganacsiyadooda laga raro goobtaas, iyadoo dadka iska leh ay ku jiraan C/fataax iyo Jaylaani C/lle ,waxaana arintan ay salka ku haysaa cabashooyin laga gudbiyay xarumahooda ganacsi.

Intii ay socotay Dhagaysiga Dacwadda Arrintan, ayaa madaxa cadaaladda iyo nabadda ee Potter county oo lagu magacaabo Richard Herman oo meesha ka saaray in gab-ahaanba la tir-tiro goobahas ganacsi oo kala ah Global Discount Store, Sunshine Coffee iyo maqsin dharka ah oo halkaas ku yaalla.

“Halkan maanta waxaan dhagaysanaynaa Soomaali, waan ka xumahay dad yahow tani waa Sida aan u Samaynno Howlaheen Amarilo," ayuu yiri Herman oo ka Hadlayay Furitaanka dhagaysiga dacawaddan.

Kaddib markii Ganacsatadan loo Xukmiyay sida ay rabeen ma aysan ka dalban Xeer-ilaaliyaha in la siiyo lacag magdhow ah, waxaana mulkiilaha Global Discount Store uu sheegay in uu filyay waxa dhacay, isagoo taa sabab uga dhigay in aysan samaynin wax qalad ah.

Waxaa kaniisadda u matalayay dhagaysiga dacwaddan Tom Roller iyo Nicki Kimbrough, waxanaa ay ku doodeen in macaamiisha Soomaalida ah ay inta badan buuq iyo dagaal ka dhaliyaan goobaha baaburta la dhigto ee kudhow Hillside.

“Markii dadka bukaanka ah ay cabasho ka soo gudbiyaan arrintan, waa inaad  u fahantaa in aysan u wanaagsanayn ganacisga” ayuu yiri Joel Scalf  oo ah dhakhtar cabira indhaha, kaas oo ah mulkiilaha Look Optical oo dagan dhismaha uu murankan ka jiro.

Scalf ayaa weydiistay maamulaha dhismaha uu dagan-yahay in la heli karo boos banaan oo ka tirsan gudaha suuqa, laakiinse kama uusan dalban in Soomaalida meesha laga raro gabi-ahaanba si uu isaga u dago.

“Waxay ila tahay inaan si siman loosoo xulin,” ayuu yiri Channy Wood oo Matalayay Soomaalida dacwadda laga gudbiyay, waxaaana uu sheegay inaysan jirin cid kantorooli karta macaamiisheeda.

Ugu danbayn,Herman ayaa soo jeediyay kulan ay wada qaataan mulkiilayaasha suuqyada Ganacsiyada iyo Mas’uulyiinta Amarillo si xal loogu helo Arrintan, waxaana Soomaalida Ganacsigooda Difaacdayay sheegeen in ay Hormarin doonaan Shaqooyinka ay ka hayaan Armirollo.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]