4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 12, 2015
HADLIYE: Dowlada Koonfur Afrika waxaan kala hadlaynaa joojinta dhibka lagu hayo Soomaalida


Jimco, Juun 12, 2015 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Cumar Hadliye oo ku sugan Magaalada Johannesberg ee wadanka Koonfur Afrika oo uu ka socdo Shirka madaxeedka 25-aad ee Midowga Afrika ayaa sheegay in ajandaha shirka ugu weyn uu yahay sidii wax looga qaban lahaa horumarinta xaaladaha nololeed ee Haweenka Afrika iyo sidii looga qaybgelin lahaa doorka siyaasadda ee Qaaradda.

Hadliye ayaa intaas raaciyay in dowladda Somalia ay la kulmi doonaan dalalka ay ciidanka ka joogaan Somalia, sidoo kalana ay la kulmi doonaan Dalalka ay danaha Siyaasadeed ka leeyihiin, isagoo xusay in madaxweynaha Somalia uu iman doono Maalinta Sabtida ah ee berri uuna la kulmi doono madaxda Afrika.

Sidoo kale, Wasiir Hadliye oo la weydiiyay Qaabka ay u wajihi doonaan ka dowlad ahaan dhibaatooyinka ay Soomaalidu kala Kulmaan Waddankan Koonfur Afrika, ayaa Sheegay inaysan marnaba u dulqaadan doonin in dhibaato loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika, Arrintaasna ay kala hadli doonaan cidda ay khuseyso, isagoo xusay in bulshada Soomaaliyeed aysan halkan u imaan inay fursadaha Koonfur Afrikaanka qaataan, laakiinse ay u yimaadeen inay maal-gashtaan kuna noolaadaan, xukuumadda iyo Shacabka Koonfur Afrika waxaa laga doonayo inay caddeeyaan qaabka loola noolaanayo dalkoodana loo maal-gashan karo, aysanna ahayn oinay dil iyo boob u geystaan.

Ugu dambeyn, Shirka Midowga Afrika ee Sannadkan ayaa kusoo beegmaya xilli waddamo badan oo Afrikaan ah ay ka xumaadeen dhibaatooyinkii dalka Koonfur Afrika loogu geysto dadka ajaanibta ha oo ay Soomaalidu ku jirto.

Mahad Maxamed Sheekh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Pretoria, South Africa