4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 12, 2015
C/QAADIR SIIDII: Ciidankii dowladda oo ay horkacayaan Saraakiil ayaa ka baxay Toora-Toroow


Jimco, Juun 12, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose C/qaadir Sh. Maxamed Nuur (Siidii) ayaa xaqiijiyay in Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia oo ku sugnaa deegaanka Toora-Toorow oo dhawaan kala Wareegeen Al-shabaab.

C/qaadir Siidii ayaa intaas ku daray in ciidamada iyo saraakiishii hoggaaminayay ay ka baxeen fariisimihii ay ka sameysteen deegaankan oo ku dhow degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

“Waa jiraan ciidamadii degenaa Bariga Toora-Toorow inay saldhigyadoodii isaga baxeen, sidoo kale, ciidamadii AMISOM iyo kuwa deegaanka ayaa fariisimihii ay ka baxeen ciidamada Somalia galay, wax cabsi ah lagama qabo in Al-shabaab soo weeraraan,” ayuu yiri Siidii.

Guddoomiyaha oo la weydiiyay sababaha ay ciidamada ugu baxeen inay tahay mushaar la’aan soo wajahday ayuu sheegay in taasi ay tahay mid been ah oo la sameeyay, wuxuuna xusay in ka bixitaankaas ay sabab u tahay saraakiishii ka tirsan kuwa dowladda oo ciidamada soo horkacay.

Ugu dambeyn, deegaanka Toora-Toorow ayay dhawaan la wareegay Ciidamada Dowladda Somalia iyo AMISOM, waxaana deegaankaas ahaa mid ay in muddo ah maamulaysay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya