4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 12, 2015
Hay’adda CCA oo Tartamo Isboorti ku Qabtay Degmooyin ka Tirsan Gobolka Banaadir (SAWIRRO)


Jimco, Juun 12, 2015 (HOL) — Hay’ada Wacyigelinta Bulshada ee Center for Community Awareness (CCA) ayaa tartamo kala duwan oo isboorti ah ku qabatay degmooyinka Hodan iyo Shingaani oo ka tirsan kuwa Gobalka Banaadir.

In ka badan 200 ciyaartoy oo ka kala socday Waaxyaha Labadaasi Degmo ayaana  ka qeyb galay Tartamadaasi oo lagu baratamayey  ciyaaraha K/cagta ee Fustalka, Kollayga, Orodka, Feerka iyo Xarig-jiidka.

Tartankaasi  oo socday in ka badan labo toddobaad, waxay ciyaaryahannadda  galab kasta iyo habeen kasta ku ciyaari jireen Garoomadda Ciyaaraha ee ku yaalla Degmooyinka Shingaani iyo Hodan.

Tartanka Fustalka ee ka socday Degmadda Shingaani ayaa waxaa la ciyaari jirey fiid kasta, waxaana u soo daawasho tegi jirey Mas’uuliyiinta Gobalka, kuwa Degmooyinka, Ururradda Bulshadda Rayidka iyo kumanaan qof oo ka tirsan dadweynaha ku nool Degmooyinka magaalladda Muqdisho.

Taageerayaasha Kooxaha waxay aad u soo buuxin jireen Garoomadda, iyagoo si xooggan u dhiiri-gelin jirey Kooxaha ay kala taageeraan.

Waxay soo bandhigeen Hal-ku-dhegyo xamaasad leh oo ay ku dhiiri-gelinayeen Horumarinta Sport-ga iyo waxtarka ay Ciyaaruhu u leeyihiin Is-dhex galka dhallinyarradda iyo bulshadda.

Tartankaasi waxaa Kaalinta 1-aad galay Ciyaartoyda K/cagta ee Xaafadda Mooyaale, iyadoo Kaalinta 2-aadna ay galeen Ciyaartoyda Xaafadda Midnimo.

Guddoomiyaha Hay’adda Center for Community Awareness (CCA), Md. Maxamed Ibraahim Cali “M.Cajiib” ayaa ka hadlay gebagebadii Tartankaasi, wuxuuna bogaadiyey Guddigii Qabanqaabadda ee Tartankaasi.

Guddoomiyaha CCA, Md. Maxamed Ibraahim Cali “M.cajiib” waxa uu tilmaamay in Tartankaasi looga dan leeyahay in Dhallinyarradda loo qabanqaabiyo Tartamo Sports oo lagu dhisayo jirkooda iyo maskaxdooda.

Guddoomiyaha CCA, waxa kaloo uu xusay in hadafka laga leeyahay Tartamadda Sport tahay xoojinta nabadda iyo in Dhallinyarradda laga wacyi-geliyo  si ay uga  waantoobaan dhaqannadda xunxun iyo inaan lagu qaldin Afkaarta colaadaha.

Gudoomiyaha CCA oo hadalkiisa sii wata wuxuu cadeeyay in ay taageero balaaran siin doonaan Degmooyinka habeenkii isboortiga laga ciyaaro  wuxuuna hoosta ka xariiqay in koobab la mid ah kan Degmadda Shangaani lagu qabtey ay ku dhigi doonaan qaar ka mid aha degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadaasi waxaa kaloo ka hadlay Gudoomiye-ku- xigeenada Degmadda Shangaani ee Arimaha Amniga iyo Bulshada, Xuseen Ibraahim Cali iyo Maryam Bedel Xasan kuwaasi oo ka warbixiyey qaabkii loo soo agaasimay tartankaasi , waxayna qireen inuu Tartankaasi ku dhamaaday  jawi wanaagsan.

Dhinaca kale, Hay’adda Center for Community Awareness (CCA)  waxay Tartan lagu xoojinayey nabadda iyo isdhexgalka Bulshada ku qabatay  Degmadda Hodan, waxaana Tartankaasi ka qayb qaatay Ciyaartoy  ka kala socotay Waaxyaha kala duwan ee Degmadda Hodan.

Munaasabadii furitaanka Tartankaasi ay Hey’adda Wacyi-gelinta Bulshada ee CCA soo qabanqaabisay waxaa ka soo qaybgaley masuuliyiin isugu jirtay Heer degmo iyo madax ka kala socotay Ururadda Bulshadda Rayidka ee ka howlgala Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Degmadda Hodan Marwo Xaawo Maxamuud Cali (Xaawo kiin)  oo ka hadashay munaasbadaasi ayaa ku dheeraata  faaiidada uu isboortigu u leeyahay isdhexgalka Bulshada iyo kor uqaadida nabadda.

Waxay kaloo tilmaamtay inay Maamul ahaan  soo dhaweynayaan qabashadda Tartamadda noocan ah, waxayna tilmaantay in qabashada tartanka, waxayna carrabka ku dhufatay inay  ka maamul ahaan ka go’an tahay sidii dhinaca isboortiga loogu mari lahaa wadada Nabadda.

Gudoomiyaha Degmadda Hodan waxay kula dardaarantay ciyaartoyda ka qeyb galaysay Tartankaasi inay ka shaqeeyaan Nabadda,  isla markaana ay u howlgalaan sidii ay uga caqli celin lahaayeen qof kastaoo la qalday.

Tartanka K/cagta ee Fustalka ee Degmadda Hodan oo socday muddo labo isbuuc ah waxaa Kaalinta 1-aad ku guuleystay Ciyaartoyda Xaafadda Kacaan, waxaana kaalinta 2-aad galay Kooxda ku ciyaaraysay Xaafadda Oktoobar ee Degmadda Hodan.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo ay Madaxda Hay’adda  Hay’adda Center for Community Awareness (CCA)  tartamo Sport ku qabtaan Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Hay’adda waxay dhowrkii sanno ee la soo dhaafay qabanqaabiyeen Tartamo Sport oo ka kala dhacay Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo Goballadda kale, waxaana hadafka laga leeyahay Tartamadaasi Sport tahay sidii Dhallinyarradda loogu barbaarin  lahaa Sprt-ga, loo xoojin lahaa is-dhexgalka bulshadda iyo sidii qeybaha bulshadda looga wacyi-gelin lahaa waxyaabaha  wax u dhimi kara mustaqbalkooda iyo Danaha Qaranka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya