4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 11, 2015
Ururka Ahlusuna Waljamaaca oo lagu qancinayo inay isaga baxaan Magaalada Dhuusa-mareeb

Khamiis, Juun 11, 2015 (HOL) — Xoogag ka tirsan Ahlusunna Waljameeca ayaa Axaddii ina dhaaftay si lama filaan ah ula wareegay gacan ku heynta magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah maamulka lagu waddo in loo sameeyo gobollada dhexe gaar ahaan Galguduud iyo Mudug, kaddib markii ay halkaa isaga baxeen ciidammadii dowladda.

Tan iyo markii ay Ahlu Sunna la wareegeen gacan ku heynta Dhuusa-mareeb Waxaa soo baxayay baaqyo is-daba-joog ah oo looga dalbanayay in ay isaga baxaan Degmada si loo soo afjaro xiisada arrintaa ka dhalatay.

Dhinacyada baaqa u soo jeediyay Ahlu Sunna waxaa ka mid ahaa wakiilka Xoghayaha QM u qaabilsan Siyaasadda Somalia Danjire Nicholas Kay, laakiin saraakiisha Ahlusunna ayaa ku tilmaamay baaqa Nicholas Kay mid aan munaasab aheyn.

Guddoomiyaha gobolka Galguduud Xusseen Cali Weheliye Cirfo oo ka hadllay dhinciisa sidda uu arko qabsashada Dhuusa-mareeb, ayaa sheegay in koox falaago ah la wareegtay degmada, islamarkaana dhawaan ciidammada dowladda dib ugu laaban doonaan.

Laakiin marka aad dhinaca kale eegto waxaa hadda bilaawday kulamo iyo wadda hadallo u soconaya odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka Galguduud iyo saraakiisha Ahlusunna Waljameeca oo ka wadda hadalaya siddii loo soo afjari lahaa xiisada, looguna qancin lahaa Ahlusunna inay ka baxaan Magaalada Dhuusa-mareeb, si looga fogaado Colaado mar kale dhaxmara ciidammada dowladda iyo dagaalamayaasha Ahlu Sunna Waljameeca.

Wadahadalladan oo dhinacyo badan taabanaya ayaan wali wax warbixin ah laga soo saarin, balse odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka ayaa ku dadaalaya in laga baaqsado dagaal mar kale Dhuusa-mareeb ku dhaxmara labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Dowladda Somalia C/raxmaan Max'ed Xusseen (Odawaa) ayaa ugu baaqay Xoogagga la wareegay Dhuusa-mareeb in ay ka baxaan, isagoo intaa ku daray in dowladdu aysan aqbali doonin xiisado colaadeed oo mar kale laga abuuro gobolka.

Bishii Maarso ee Sannadkan Waxaa degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud Hishiis ku kala saxiixday dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha hogaamisa Ahlu Sunna Waljameeca, Waxaana Heshiiskaa labada dhinac u kala Saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini iyo Sh. Maxamed Shaakir oo ka tirsan gollaha fulinta Ahlusunna.

Hase yeeshee, Ahlusunna ayaa sheegtay in Dowladda Somalia ay Fulin wayday inta badan Qodobadii lagu heshiiyay, waana tan keentay ayay leeyihiin in Dagaal-yahannadoodu dib ugu laabtaan dhamaan saldhiyadii ay ku lahaayeen Qaybaha uu Gobolku ka kooban yahay.

Ugu dambeyn, lama oga halka ay ku dhammaan doonaan kulamada u billawday Ahlusunna iyo Odayaasha Dhaqanka, Laakiin Dadka ku nool Dhuusa-mareeb ayaa rajo badan ka qaba in xiisada lagu dhameeyo hab nabadeed iyo wadda hadal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya