4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 11, 2015
Professor Kenyan ah oo Xaafada Islii ee Nairobi kula kulmay Arday iyo Mus'uuliyiin (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 11, 2015 (HOL) — Qoraaga u dhashay Kenya ee Ngũgĩ wa Thiong'o oo dib ugu soo laabtay dhawaan Kenya kaddib markii uu muddo dheer banaan joog ahaa, isagoo ku noolaa dalka Mareykanka ayaa shalay lagu soo dhaweyay Xaafadda Eastleigh (Islii) ee magaalada Nairobi oo ay Soomaali badan deggen yihiin ayaa la kulmay macallimiin iyo arday Soomaali u badan.

Munaasabadda ay ka qayb-galeen xubno ay ka mid ahaayeen; Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo laga soo doortay degmada Kamukunji oo Islii ay ka tirsan tahay., Xildhibaan C/samad Shariif Nassir oo baarlamaanka kasoo galay Degmada Mvita ee Mombasa, Al-Amin Kimathi oo u dhaq-dhaqaaqo xaquuqda dadka Kenyaanka ah iyo Boqolaal Arday ah oo laga kala keenay dugsiyada sare ee degmadaas ayaa waxaa lagu soo bandhigay Buuggaagta uu qoray barahan iyo waliba Taariikhdiisa.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo Ngugi kusoo dhaweeyay Xaafadda Islii, ayaa marka hore uga mahad-celiyay dadaallada dheer ee Qoraagu uu sameeyay iyo Waliba kaalintii uu ka qaatay horumarka Kenya, isagoo sidoo kale u mahad-celiyay xubno ka tirsan guddiga daabacaada waxbarashada ee Bariga Africa.

Dhanka kale, Prof. Ngugi oo ku takhsuusay Culuumta Sugaanta horayna u qoray buuggaag badan oo iskugu jiro; Sheekooyin gaa-gaaban, Maqaalo, Sheekooyinka Carruurta, kuwa suugaanta iyo Riwaayadaha. Kuwaasoo ardayda lagu baro Dugsiyada Sare ee Kenya, ayaa wuxuu ahaa aas-aasaha iyo tifatiraha Joornaal Afka-Kikuyuyada lagu qoro.

Hadal dheer oo uu ka jeediyay barahan ayuu kaga Sheekeyay dhibaatooyinkii uu la kulmay xili uu siyaasad darteed ugu xirnaa Xabsiga weyn ee Kamiti oo ku yaallo magaalada Nairobi, markii dambana buug uu ka qoray.

Prof. Ngugi oo horraantii Bishan Juun la kulmay hogaamiyaha Mucaaradka Kenya ee Raila Odinga ayaa sidoo kale shalay kula kulmay Madaxtooyada Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, isagoo maantana booqanaya Jaamacadaha ku yaallo Kenya qaarkood, isagoona tagi doono Dugsigii sare ee uu wax ka soo bartay oo lagu magacaabo Alliance High School.

Buuggisii sheeko ee ugu horeeyay Ngugi oo lagu magacaabo (Weep Not, Child) ama "Ha Ooyin Cunugoow", ayuu qoray markii uu bilaabay Jaamacadda Leeds ee England sanadii 1964. iyadoo Buuggaasna uu noqday; Buugii ugu horeeyay ee Af- Ingiriis ah oo uu qoray qof ka soo jeedo Bariga qaarada Africa.

Qoraaga oo si weyn looga yaqaano Qaaraddaan, ayaa sanadii 1982 wuxuu Kenya oga cararay buuggaag uu qoray dartood ka dib markii Madaxweynihii Kenya ee xiligaas Daniel Arap Moi uu ka biyo diiday qoraaladaas. Balse 22 sano ka dib, ayuu dib ugu soo laabtay Kenya sanadii 2004 wuxuu la kulmay 11-kii bishii August ee sanadkaas, dhibaato xoogan oo ka soo gaartay koox tuugo aheyd oo kufsatay Xaaskiisa - kana qaadatay hanti lagu qiyaasay 245 kun oo lacagta Kenya ah.

Ugu dambeyn, Prof. Ngugi wa Thiong'o oo hada 77-sano jir ah barena ka ah mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Mareykanka ayaa ku dhashay deegaanka Kamiriithu oo u dhow magaalada Limuru ee hoos tagto degmada Kiambu ee bartamaha Kenya 5- January- 1938, wuxuuna hada u dabaal dagayaa 50 sano guuradii ka soo wareegtay markii uu qoray buuggisii ugu horeeyay.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya