4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 11, 2015
Madaxweynihii hore Somaliland oo dhaliilay xilli kordhintii dhawaan loo Sameeyey Xukuumadda


Khamiis, Juun 11, 2015 (HOL) — Madaxweynihii Hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii ugu horreysay ka hadlay muddo kordhintii dhawaan Xukuumadda Siilaanyo loo sameeyay iyo tii muddadii uu xilka hayay loo sameeyay waxay ku kala duwan yihiin.

Rayaale oo sharaxaya waxay ku kala duwan yihiin muddo kordhintii loo sameyey 2009-kii iyo muddo kordhintan hadda loo sameeyey madaxweyne Siilaanyo ayaa yiri. “Wakhtigii ay muddo kordhintu timid aniga sababo ayay ku timid, kow horta Madaxtooyada qarax baa lagu sameeyay, dadkii Hindida ahaa ee diwaangalintii beenta ahayd ee laynoo sameeyay wadayna meesha way ka qaxeen, dib u dhac baa markaa ku yimid doorashada oo 2009 in la qabto ayay ahayd. Komishankii markaa joogay ee Jaamac Sweden madaxda ka ahaa in doorashada la qabto ayay ku dhawaaqeen, laakiin xisbiyada Mucaaradka ayaa diiday, anigu markaa waan ogolaaday. Haddana diwaangalintii in dib loo saxo ayay noqotay taasana dib u sii riday laakiin, tanaasulka anigaa sameeyay oo doorashada Madaxweynaha waxaa ka horaysay tii dawladdaha hoose anigaa soo hor mariyay ta madaxtooyada, ta dawladaha hoose ayaa horayn lahayd laakiin, anigaa tanaasul sameeyay oo doorashada Madaxtooyada soo horaysiiyay. Ta labaad qodobo aan sharci ahayn baan xataa ogolaaday si doorasho loo galo”

Daahir Rayaalle Kaaahin ayaa sheegay in aanu xiiso u qabin inuu xisbiyadda ku biro, balse kaliya uu rabo in tusaale fiican u noqdo madaxweyneyaasha ka dambeeya, waxaanu yidhi "Xiiso uma qabo in aan mar kale isa soo sharaxo, waxaan qabaa in aan tusaale u noqdo qofku marka uu madaxweyne soo maro in uu hadana ka degi karo oo dadka kalena uu fursad u siin karo”

Sidoo kale, waxa la waydiiyey sida uu arko xaaladda guud ee wadanku marayo iyo inay wax is bedeleen sidii uu dalka ku maamuli jirey, isagoo arrintaasi ka jawaabaya waxa uu yidhi "Ha iga filina sidii berigii qoladii mucaaradka ahayd ay u hadli jirtay markaan anigu xilka hayey in aan u hadlo"

Madaxweynihii hore waxa uu dhaliilay wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Waran Cadde oo uu sheegay inuu xisbigii UDUB ee ku wareejiyey uu burburiyey oo uu ka doorbiday inuu wasiir noqday, isagoo Raali galin siiyey Jamaal Cali Xuseen oo uu hora uga raacay Cali Waran-cadde.

“Waxaan halkan maanta kaga faa’iidaysanayaa inaan raaligalin kaga bixiyo Xisbigaygii Udub inaan u dhiibay nin aan hankiisu gaadhsiisnayn Madaxweyne oo aan Wasiir dhaafsanayn waa Cali Warancadde oo ku faanayay jeebkaan ku ritay Xisbiga Udub, oo nimankii hankoodu ahaa madaxweynaha ilaa madaxweyne xigeenkaygii iyo bahweyntii xisbiga Udub iyo Nimankii hankoodu madaxweynaha iyo kuxigeen uu ahaa ee soo dalbaday Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid raaligalin baan ka siinayaa inaan iyaga baal maray oo aan ninkaas aanu hankiisu wasiirka iyo wax ka hooseeya dhaafnayn u dhiibay laakiin, xisbiga Udub wuu soo noqon doonaa oo waa taariikhda dimuqraadiyadda ah ee Somaliland aasaaskeeda insha Allah,” ayuu yidhi Mudane Riyaale.

Mar uu ka hadlayay dalalka jaarka wuxuu yidhi “Horta dee anigu barigii hore maahmaahyo aan odhan jiray baa jira oo ah Jaarkaaga ma dooran kartid, laakiin waxaad dooran kartaa sidaad jaarkaaga ula noolaanayso, taasina waa dhaabato taala oo isaga iyo kuwa ka dam-beeyaba u taala, markastaba in jaarkaagu saaxiib fiican kuu ahaado danta iyo maslaxadda qarankan ayaa ku jirta.”

Dhanka kale, Daahir Rayaale wuxuu khalad ku tilmaamay Suldaan Wabarka galay buuraha Xuduudka Ethiopia iyo Awdal u dhexeeya “Wallaahi anigu taas khalad baan u arkaa, sabab uu buuraha u galayna ma jirto, waxay ahayd inuu dalkiisa joogo oo dadkiisana la joogo”.

Sidoo kale, Rayaale wuxuu sheegay in Xisbiga KULMIYE markii uu mucaaradka ahaa uu isagu dalbaday inay beesha Caalamku soo kala dhexgasho, taasoo uu nasiib-darro weyn ku tilmaamay inuu maanta diido wixii uu shalay doonayey.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynihii hore ee Rayaale ayaa inta badan wax dhaliil ah usoo jeedin tan iyo intii uu xilka ku wareejiyey Madaxweyne Siilaanyo, isagoo sheegay in sidii ay u hadli jireen wakhtigii mucaaradka ahaayeen aanu u dhaliileen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland