4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 11, 2015
Qaramada Midoobay oo Puntland ka taageeraysa dagaalka ay kula jirto Xoogagga Al-shabaab


Khamiis, Juun 11, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kula kulmay Madaxa Howl-gallada QM ee Amniga iyo Badbaadinta UNDSS, Nick Loven Teen oo fadhigiisuna yahay xarunta QM ee New York iyo wefdi uu hoggaaminayay.

C/weli Gaas ayaa Warbixin ka siiyay Nick Loven Ammaanka iyo Horumarka Puntland ka jira, isla markaana tilmaamay in maalin kasta ay Puntland ku taalabsanayso horumar dhan walba leh.

Sidoo kale, Nick Loven Teen ayaa dhankiisa maamulka Puntland ku ammaanay horumarka ay ku tallaabsadeen, wuxuuna intaas raaciyay in Qaramada Midoobay ay mar walba garab-taagan tahay Puntland, kana taageerayso dhinac walba si loogu sii socdo jidka horumarka.

“Waxaan halkan ka balla-nqaadayaa inaan Puntland ka taageeri Dagaalka ay kula jirto Al-shabaab iyo sugidda Amniga, maadaama ay Puntland Horumar la Taaban karo ka Gaartay dagaalka ay kula jirto Al-shabaab,” ayuu yiri Nick Loven.

Ugu dambeyb, Shirkan oo looga wadahadlay Arrimo badan oo muhiim ah, waxayna labada labada dhinac ku ballameen fulinta qodobbada la isla meel-dhigay iyo sii taageerada QM ee Puntland loo sii wadi lahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya