4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 11, 2015
In ka badan Boqol Macallimiinta Dalka Kenya ah oo Shaqada looga Eryay Falal Anshax-xumo ah

Khamiis, Juun 11, 2015 (HOL) — In ka badan 100 Macalimiin ah ee Wax ka dhigi Jiray Iskuullada Kenya ayaa shaqooyinkii laga eryay, kaddib markii lagu helay Falal la Xiriira Anshax-xumo ay kula kaceen arday.

Urur ay ku Midoobeen Macallimiinta Kenya oo lagu Magacaabo TSC ayaa Shaqada ka fariisiyey 126 macallin oo lagu eedeeyay inay fara-xumeyn kula kaceen qaar ka mid ah ardaydii ay wax barayeen.

Macalimiintan ayaa la geliyay Liiska Madow ee (Black-list), Taasoo Macnaheedu yahay in aysan iskuullada dalkaas wax ka dhigi Karin mar dambe. Waana markii ugu Horreysay oo Macallimiin Tiradan ah Xukunkan oo kale la dul-dhigo muddo shan sano laga joogo.

Sidoo kale, ururka dooda xuquuqda Caruurta iyo Ardayda dalka Kenya ayaa ku baaqay in Sharciga la Hor-geeyo Macallimiintan, isla markaana la marsiiyo ciqaab u dhiganta falalka anshax-xumada ah ee ay ku kaceen.

Falkan ayaa ahayn mid ku cusub dalka Kenya, iyadoo ay dhowr jeer falal noocan oo kale ah ay ka dhaceen deegaannada miyiga ah ee dalkaas, iyadoo xukunno midkan oo kale ah la dul-dhigin macallimiintii falalkaas ku kacay.

Ugu dambeyn, Sannadkii 2010-kii ayay ahayd markii 1000 macallin oo Kenyan ah laga fariisiyey shaqadooda, kaddib markii ay Anshax-xumo noocan oo kale ah kula kaceen arday gabdho ah oo ay wax-barayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya